Guddiga Doorashada Oo Maanta U Socdaalaya Kulan Ay Addis Ababa Kula Soo Yeelanayaan deeq-bixiyayaasha.

0
Sunday October 23, 2016 - 13:05:42 in by salman abdi
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashada Oo Maanta U Socdaalaya Kulan Ay Addis Ababa Kula Soo Yeelanayaan deeq-bixiyayaasha.

    Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si ula soo kulmaan dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si ula soo kulmaan dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.



*

Guddoomiyaha guddiga doorashoyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo shalay ka hadlayay kulan madaxtooyada ka dhacay oo ay xukuumadu guddiga doorashada ku wareejinaysay 4 milyan oo Dollar oo qayb ka ah kharashaadka doorashada, ayaa wuxuu sheegay in xubno guddigooda ka tirsani la soo kulmayaan beesha caalamka "Waxaanu bulshadda u sheegaynaa in xubno ka mid ah guddida doorashooyinka ay u amba-bixi doonaan dalka dibadiisa isla markaana ay la kulmi doonaan qaadhaan-bixiyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinkaā€¯.

Xubnahan ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay kula soo kulmayaan dalalka deq bixiyayaasha ah.