Trump oo ku guuldarraystay soo celinta xayiraaddii socdaalka.

0
Friday February 10, 2017 - 10:40:18 in by salman abdi
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku guuldarraystay soo celinta xayiraaddii socdaalka.

    Maxkamadda racfaanka ee dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka todobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda racfaanka ee dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka todobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka.

Maxkamadda racfaanku waxay sheegtay in aysan hor istaagaynin go'aankii ay maxkamadda hoose ku joojisay amarka madaxweynaha.

Trump oo arrintaas ka jawaabaya ayaa isaga oo caraysan Twitterka ku soo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro uusanna sidaa uga hari doonin oo uu sharciga adeegsan doono.

Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aysan cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka ku banaysatay.

Go'aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in aan wax caddayn ah loo haynin in qof ajnabi ah oo dalalkaas ka soo jeeda uu fal argagixiso ka fuliyay gudaha Maraykanka.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay diiday doodii ahayd in madaxwaynuhu uu kaligii xaq u leeyahay in uu dajiyo siyaasadaha socdaalka.


Xigasho/BBC Somali