Dr. Fadal Oo Labada Gole Ka Dalbaday Inaanay Ansixin Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka

0
Friday February 10, 2017 - 16:43:55 in by Burco Office
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Fadal Oo Labada Gole Ka Dalbaday Inaanay Ansixin Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka

    -Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari ee Xukuumaddu doonayso inay Madaarka Berbera ka siiso Imaraadka, oo la filayo in Barlamaanka la hor geeyo si ay u ansixiyaan, waxaanu Barlamaank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari ee Xukuumaddu doonayso inay Madaarka Berbera ka siiso Imaraadka, oo la filayo in Barlamaanka la hor geeyo si ay u ansixiyaan, waxaanu Barlamaanka ugu baaqay inay ka feejignadaan ansixinta Saldhigan Milatari.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dr Maxamed Cismaan Fadal, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arintan ka hadlaya yidhi "Haddii aanu nahay Xisbiga Waddani, waa anagii ka hadlanay aragtida iyo fikirka aanu ka aamisan nahay Saldhiga Milatari, ee Imaraadku doonayo, waxaana xaqiiqo ah in mar walba Xisbiga Waddani uu ka talinayo aayaha, horumarka iyo mustaqbalka dadka iyo dalkaba, mar walbana waxaanu raali ka nahay oo Xisbiga hadafkiisu yahay in masiirka umadda la hagaajiyo, dadkayaga iyo dalkayagaba lexe-jeclo ayaa naga haysa, raalina kama nihin in sida la doono laga yeelo, oo rajadooda iyo idilalooda mugdi la galiyo, ee Barlamaanka waxaan kula talinaya dano gaar ah ha eegina, ee danta guud iyo danta dalka iyo dadka eega, oo si yar oo fudud yaan wax la idin marsiin, ee ha ansixinana Saldhiga Milatari, waxaana xaqiiqo ah in Saldhigaasi dhib mooye aanu wax dheef ah inoo lahayn”.