Halyeeygii Kubada Cagta France & Real Madrid Raymond Kopa Oo Geeriyooday

0
Friday March 03, 2017 - 13:52:01 in by Burco Office
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeeygii Kubada Cagta France & Real Madrid Raymond Kopa Oo Geeriyooday

    Halyeeygii kubada cagta France Raymond Kopa ayaa geeriyooday isagoo ay da'diisa aheyd 85 sanno, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeygii kubada cagta France Raymond Kopa ayaa geeriyooday isagoo ay da'diisa aheyd 85 sanno, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.


Kopa ayaa geeriyooday saaka sideedii subaxnimo waqtiga France isagoo ku geeriyooday magaalada Angers ee ku taala galbeedka France sida ay sheegay jariirada ka soo baxda deegaankaas ee Le Courrier de L’Ouest.

Waxa uu ahaa kubadsameeye xirfadle ah, waxaana Kopa uu ku hogaamiyay France kaalinta seddexaad Koobkii Adduunka ee 1958 ee ay ku guuleysteen xulkii Brazil ee uu hogaaminayay Pele, waxaana tartankaas loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa.

Waxa uu ka mid ahaa afar ciyaaryahan oo Faransiis ah oo ay kula wehliyaan Michel Platini, Zinedine Zidane iyo Jean-Pierre Papin oo ay ku guuleystay abaalmarinta kubada cagta Ballon d’Or.

Kopa waxa uu ku dhashay waqooyiga France waxaana qoyskiisa ay ahaayeen dad reer Poland ah oo soo qaxay, waxa uu koobka Champions League maanta loo yaqaano uu seddex jeer oo isku xigta la qaaday Real Madrid laga bilaabo 1957.