Madaxwaynayaasha Somaliya Iyo Kenya Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Yeeshay Dalka Kenya+Sawiro

0
Thursday March 23, 2017 - 16:48:17 in by salman abdi
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynayaasha Somaliya Iyo Kenya Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Yeeshay Dalka Kenya+Sawiro

    Madaxwaynaha Dalka somaliya Maxamed cabdilaahi farmaajo ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyadda dalka Kenya,waxaana uu kulan saxaafaddu dibada ka joogta kula madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Dalka somaliya Maxamed cabdilaahi farmaajo ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyadda dalka Kenya,waxaana uu kulan saxaafaddu dibada ka joogta kula madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta

Farmaajo madaxwaynaha somaliya ayaa salaam ka qaatay isaga oo barbarkiisa taagan madaxaynaha dalka Kenya Cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa la filayaa in ay labada madaxweyne ugu wada hadlaan arimo la xidhiidha, qaxootiga, abaarta, siyaasada iyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada waddan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aya lagu wadaa in ay saxeexaan hishiis labo geesood ah kulankooda kaddib, waxaana la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan.

Booqashada madaxweyne Farmaajo oo ah mid saddex cisho qaadan doonta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah kulan madaxeedka wadamada urur gobolleedka IGAD oo ka furmaya maalinta Sabtida ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-gali doonaan madaxda wadamada ku jira urur gobolleedka ayaa la filayaa in looga wada hadlo arimaha bani’aadannimada iyo xasaradaha siyaasadeed ee ka oogan guud ahaan gobolka.