kulankii xalinta khilafaadka xisbiga kulmiye oo dib udhacay iyo kulan danbe oo loo balansanyahay

0
Saturday February 22, 2014 - 16:33:43 in by London Office
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kulankii xalinta khilafaadka xisbiga kulmiye oo dib udhacay iyo kulan danbe oo loo balansanyahay

    Xallinta khilaafka xisbiga talada Somaliland ee haya ee Kulmiye, ayaa mar kale loo ballamay, ka dib kulan habeen hore Madaxtooyada la isugu keenay garabyada xisbiga ee is khilaafsana si loo xaliyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xallinta khilaafka xisbiga talada Somaliland ee haya ee Kulmiye, ayaa mar kale loo ballamay, ka dib kulan habeen hore Madaxtooyada la isugu keenay garabyada xisbiga ee is khilaafsana si loo xaliyo

Kulanka ku dhex maray aqalka Madaxtooyada Somaliland laba garab oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku xigeenka isla-markaana ahaa kii ugu horeeyay ee guddida xallinta khilaafkaas uu Madaxwaynuhu u saaray ay isugu keenaan labada dhinac ee xisbiga isku haya, ayaa sida la sheegay lagaga hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafaadka ragaadiyey hawlihii xisbiga u gaarka ahaa, sida qabsoomidda shirwaynaha xisbiga.

Waxaana la sheegay in garabyada Muuse Iyo Saylici la isku dhageystay isla-markaana uu mid walba dhankiisa soo bandhigay waxa uu ka kale ka tabanayo, taasi oo ujeedadeedu ahayd in la helo bar bilowga xallinta khilaafkooda jiitamay, waxaana la sheegay in isu-dhageysigaasi ka dib ay dhinayacda xisbiga KULMIYE ee kala ah hoggaanka iyo xubno ka mid ah Wasiirada ugu miisaan culus xukuumadda ay isku muujiyeen niyad samaan aan hore looga baran kulamadii kan ka horeeyay, iyadoo la isla qaatay mawqifka guud ee Xisbiga lagu dhaqayo iyo mustaqbalka Xisbigaba.

Warka ayaa intaasi ku daray in raali galin iyo is laab xaadhasho dhex martay qaar ka mid ah masuliyiinta ugu tunka weyn xisbiga oo hore qar doofooyin siyaasadeed u kala gaadheen.

Kulanka Madaxtooyada ku dhex maray labada dhinac oo sidoo kale la sheegay in lagu soo bandhigay xogo la xidhiidha khilaafkan oo guddida khilaaf saarku ka soo ururisay kulamo gaar gaar ah oo ay hore labada dhinac midba gaarkiisa ula yeelatay, waxaana marka laga yimaaddo kalsoonimada ay isku muujiyeen labada dhinac loo ballamay kulan dambe, sida uu sheegayo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, Jaamac Ismaaciil Cige, oo ay warbaahintu waydiisay  waxyaabihii kulankaasi lagaga hadlay ama ka soo baxayba "Arrimihii taagnaa ayaa laga wada hadlay, si fiican ayuu u dhacay kulankaasi” ayuu yidhi, Jaamac Shabeel, waxaanu intaasi ku daray in loo ballamay in kulan dambe la isugu yimaaddo "kulan dambe ayaa loo ballamay, kulankii xalayna (Habeen hore) waa loo dhammaa”

Kulankan oo sida muuqata ay isku laab-xaadheen masuuliyiinta Kulmiye, ayaa la filayaa inay sabab u ahayd isla-markaana loo aanaynayo khilaafkii Golaha Wakiilada ee dagaalka siyaasadeed ee uu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku bilaabay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, waxaana muuqanaysa in la soo afjarayo khilaafkii xisbiga, si ay u soo noqoto awooddii iyo cududdii xisbiga Kulmiye

waxa malmahii udanbayay  lagadaramaay oo soo ifbaaxay khilaafka ka dhaxeeya xisbiga Kulmiye iyadoo oo ay dadku  ay dhursugayaan xalinta khilafadkan 

AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM