Garsoorahii Casaanka Siiyay Cristiano Ronaldo Kulankii El-Clasico Ee Supercopa de Espana Oo La Dalacsiiyay Ka Hor Koobka Aduunka.

0
Friday December 01, 2017 - 15:32:20 in by Burco Office
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorahii Casaanka Siiyay Cristiano Ronaldo Kulankii El-Clasico Ee Supercopa de Espana Oo La Dalacsiiyay Ka Hor Koobka Aduunka.

    Garsoorahii Casaanka Siiyay Cristiano Ronaldo Kulankii El-Clasico Ee Supercopa de Espana Oo La Dalacsiiyay Ka Hor Koobka Aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorahii Casaanka Siiyay Cristiano Ronaldo Kulankii El-Clasico Ee Supercopa de Espana Oo La Dalacsiiyay Ka Hor Koobka Aduunka.

Iyadoo la ogyahay in taageerayaasha Real Madrid aysan jecleysaneynin aragtidiisa, sidoo kalana ay ku eedeeyaan inuu ka dambeeyay hanaanka hoos u dhaca ah oo uu Cristiano Ronaldo ku bilowday La Liga xilli ciyaareedkaan hadana garsooreRicardo De Burgos Bengoetxea wuxuu dalacsiin heer caalami ah ka helay FIFA.

Iyadoo Los Blancos ay lugtii hore ee Supercoppa de Espanya guul heshay, ayuu kabtanka Portugal u talaabo qaaday goolka ka hor inta uusan cadaadis kala kulmin daafaca reer France Samuel Umititi.

GarsooreDe Burgos ayaa u arkay inuu is tuuray taasoo keentay in la gudoonsiiyo jaalihii labaad ee ciyaarta oo kaga dhigneyd casaan, balse xidigii hore Red Devils wuxuu ku kacay fal xun madama uu riixay garsooraha taasoo keentay in ganaax shan kulan ah garka loo galiyo.

Si kastaba haatanDe Burgos Bengoetxea wuxuu dalacsiin ka helay FIFA isagoo ka mid noqday tirada garsoorayaasha ee darajada sare jooga, waxeyna tani ka dambeysay markii uu hawl gabay Carlos Clos Gomez oo 31-jir noqday.

De Burgos wuxuu noqonayaa garsoorahii 8-aad ee heer caalami oo ay leeyahiin FIFA, wuxuuna ku wehlin doonaa liiska Alberto Undiano Mallenco iyo David Fernandez Borbalan.