kumannaan Caruur Ah Oo Nafaqadaro kula ildaran Dalka Congo.

0
Wednesday December 13, 2017 - 09:24:54 in by Burco Office
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kumannaan Caruur Ah Oo Nafaqadaro kula ildaran Dalka Congo.

    kumannaan Caruur Ah Oo Nafaqadaro kula ildaran Dalka Congo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kumannaan Caruur Ah Oo Nafaqadaro kula ildaran Dalka Congo.

Hay'adda dhalaanka Qaramada Midoobay ee,UNICEF, ayaa sheegtay in in ka badan 400,000 oo caruur ah ay nafaqadaro ku habsatay dalkaasi Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

Hayada ayaa ka digtay in haddii si degdeg ah aan wax looga qaban arrinta nafaqa darada ay caruurtaasi dhiman karaan.

Hay'adda UNICEF ayaa sheegtay in dhibaatadani ayka jirto gobolka Kasai, ayna arritani ka dhalatay colaad,qax iyo dalagyadii wax soo saarka beeraha oo meesha ka baxay.

Dhowr kun oo qof ayaa dhintay dagaaladaasi sida ay sheegeen hay'adaha gargaarka.

Hay'adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa dhankeeda sheegtay in 4 milyan oo qof ay barakiceen dagaalada dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

Hay'adda caalamiga ah ee socdalka ee IOM ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo mareysa heer sareeya.

Hay'ada ayaa ka digtay in xaladda dhibaatada ay gaari karto heerkii ugu sareeyya sanadda 2018