Macron oo doonaya in UK ay ka caawiso dhibaatada tahriibayaasha

0
Wednesday January 17, 2018 - 09:55:36 in by salman abdi
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macron oo doonaya in UK ay ka caawiso dhibaatada tahriibayaasha

    Macron oo doonaya in UK ay ka caawiso dhibaatada tahriibayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macron oo doonaya in UK ay ka caawiso dhibaatada tahriibayaasha

Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu sheegay in Faransiiska uusan aqbali doonin in xero cusub ay ka dhisanto deegaanka Calais.

Wuxuu hadalkaasi sheegay ka dib markii uu booqday xero ay deggan yihiin dad qaxooti ah oo rajeynaya in ay u gudbaan dhanka UK.

Qiyaastii 700 oo qof oo tahriibayaal ayaa hadda isugu tagay goobta inkastoo xerada looyaqaano The Jungle, la burburiyay sannadkii 2016-kii.

Mr Macron wuxuu sidoo kale wacad ku maray in uu ciqaabi doono askarta sababta u noqota ku xadgudbidda dadka soo galootiga ah.

Khamiista soo socota wuxuu madaxweynaha Faransiiska u safri doonaa Britain, waxaana la filayaa in UK uu ka dalbado in ay si ballaaran u caawiso qaxootiga.

Markiisii ugu horeysay ee uu booqday Calais, Mr Macron wuxuu la kulmay tahriibayaal iyo kooxo caawiya iyo dadka deegaanka iyo maamulka oo dalbaday in ficil la sameeyo sidii looga hortagi lahaa in xeryo kale oo waawayn ay ka dhismaan deegaanka.

Laba koox ayaa diiday in ay madaxweynaha la kulmaan iyagoo ka careysan tallaabooyiinka adag ee booliska ay uga hortageen dadka soo galootiga ah.

Mr Macron wuxuu laamaha amniga ka difaacay eedaha ku saabsan xadgudubka ee ay jeedinayaan dadka u ololeeya xuquuqda qaxootiga, balse wuxuu wacad ku maray in uu tallaabo ka qaadayo askerigii qalad geysta.

Tahriibayaasha ku sugan Calais waxay rajeynayaan in ay u gudbaan BritainLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTahriibayaasha ku sugan Calais waxay rajeynayaan in ay u gudbaan Britain

Xerada ku taalla Calais ee Jungle waxay astaan u noqotay dhibaatada tahriibayaasha ee Yurub, qiyaastii 7,000 oo qof oo intooda badan ka kala yimid Bariga dhexe iyo Afrika ayaa halkaasi ku noolaa ka hor intaan la burburin.

Faransiiska waxaa megengelyo waydiistay illaa 100 kun oo qof sannadkii 2017kii. Waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ay tagaan dadka ugu badan ee tahriibayaasha ah.

Madaxweynaha wuxuu filayaa in uu shaaca ka qaado sharci cusub oo ku saabsan socdaalka iyo tahriibta, kaas oo qeyb ka noqon doona in la dedejiyo codsiyada ay soo gudbinayaan dadka megengelya doonka ah iyo in si dhaqso ah dalka looga saaro kuwa aan la aqbalin dalabkooda.