RAALI NOQO! Manchester United Oo Albaabka Ka Xiratay Soo Laabashada Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo & Shabakadda Marca Oo Cabirtay Sababta.

0
Friday January 19, 2018 - 14:04:10 in by Burco Office
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RAALI NOQO! Manchester United Oo Albaabka Ka Xiratay Soo Laabashada Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo & Shabakadda Marca Oo Cabirtay Sababta.

    RAALI NOQO! Manchester United Oo Albaabka Ka Xiratay Soo Laabashada Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo & Shabakadda Marca Oo Cabirtay Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RAALI NOQO! Manchester United Oo Albaabka Ka Xiratay Soo Laabashada Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo & Shabakadda Marca Oo Cabirtay Sababta.

Sida la fahamsan yahay in Manchester United ay qarka u saaran tahay saxiixa Alexis Sanchez, kaas oo kaga imaanaya Arsenal heshiis kala badalasho ah oo uu dhanka kale ku aadayo xidiga reer Armenia Henrikh Mkhitaryan.

Taasina ma ahan in la dhaho ma jirto maalgalin ay sameyneyso Red Devils, iyadoo xidiga reer Chile ku bixineysa aduun dhan 16 Malyan oo Euro.

Imaatinka weeraryahanka Arsenal ee Old Trafford wuxuu xirayaa waddo walba oo uu masraxa riyada dib ugu soo celin laheyd Cristiano Ronaldo, waxaana bilooyinkii lasoo dhaafay jirtay warar xan ah oo sheegaya in Jose Mourinho uusan dooneyn inuu u dhaqaaqo heshiiskaas.

Alexis Sanchez wuxuu awood kusoo kodhin karaa weerarka iyadoo kooxda horay u heysatay Jesse Lingard, Marcus Rashford, Juan Mata, Anthony Martial, Zlatan Ibrahimovic & Romelu Lukaku.

Sida la fahamsan yahay Red Devils ma sameyn doonto saxiix dhanka weerarka ah bishaan ama xagaaga, kaliya waxey adkeyn doontaa khadka dhexe iyo sidoo kale daafaca dambe.

Sidoo kale Alexis Sanchez ayaa loo badinayaa inuu xirto lambarka cajiibka ah ee 7-aad kaas oo qiimo weyn ugu fadhiya Red Devils, waana arin kale oo qeexeysa inuusan Cristiano Ronaldo kusoo laabaneynin Old Trafford.

Tababare Jose Mourinho ma hayo qorshe kale oo xitaa uu ugu dhaqaaqayo Gareth Bale, kaas oo uu ku fashilmay xagaagii laga soo gudbay.

Arinka ugu weyn ee ka weecineysa Bale waa dhaawaciisa badan iyo qiimahiisa, sidoo kalana qatar badan ayey kooxda galin kartaa.