Ugaanda:-Saraakiil ka tirsan dowladda Uganda oo qiray inaysan la dagaalami karin Shabaab

0
Monday April 23, 2018 - 11:19:14 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaanda:-Saraakiil ka tirsan dowladda Uganda oo qiray inaysan la dagaalami karin Shabaab

    Xubno ka tirsan dowladda Uganda ayaa qiray inaysan xilligaan awood u laheyn la dagaalanka Al Shabaab, marka la eego duruufo kala duwan oo ay tabanayaan ciidamada Uganda ee jooga Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan dowladda Uganda ayaa qiray inaysan xilligaan awood u laheyn la dagaalanka Al Shabaab, marka la eego duruufo kala duwan oo ay tabanayaan ciidamada Uganda ee jooga Somaliya.


Madaxa Hoggaanka Ciidamada Uganda Gen David Muhoozi, waxa uu ku waramayaa inaysan u babac dhigi karin dagaalka Shabaab, marka loo eego qarash la’aan haysata ciidamada Uganda iyo arrimaha Loojistikada oo ku yar.


Waxa kale uu sheegay Sarkaalkaan inaysan xilligaan awood u laheyn ciidamada Uganda inay weeraraan Saldhigyada Al Shabaab ay joogaan.

"Natiijada aan hadda heyno, waa in aanan difaaci karin meelaha gacanteenna ku jira, waxna kama tari karo yareynta awoodda cadawga.” Sidaasi waxaa yiri Gen David Muhoozi.

Uganda waxa ay markii ugu horeysay Soomaaliya ciidamo keentay March 2007 , weli waxaa ay leeyihiin ciidamada ugu tirada badan ee 22,000 ee ciidamada (Amisom) oo ay ku jiraan sidoo kale Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.