Alberto Moreno Oo Sadaliyay Inuu Liverpool Kula Guulaysto Champions Leaquega

0
Friday September 05, 2014 - 13:14:28 in by salman abdi
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alberto Moreno Oo Sadaliyay Inuu Liverpool Kula Guulaysto Champions Leaquega

    Difaaca kooxda Liverpool ee dhawaanta ku soo biiray Alberto Moreno ayaa ku riyoonaya inuu kooxdiisa cusub ee Liverpool kula guulaysto koobka kooxaha qaarada yurub ee Champions Leaquega.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaaca kooxda Liverpool ee dhawaanta ku soo biiray Alberto Moreno ayaa ku riyoonaya inuu kooxdiisa cusub ee Liverpool kula guulaysto koobka kooxaha qaarada yurub ee Champions Leaquega.

Liverpool ayaa Alberto kala soo wareegtay kooxda Sevilla ee ree Spain waxayna ku soo iibsatay lacag dhan 12 milyan oo gini. Moreno ayaan waligii ka ciyaarin horyaalka kooxaha yurub ee Champions Leaquega balse wuxuu doonayaa inuu Redska kula guulaysto.

 

Moreno ayaa kulankii Tottenham ee ay liverpool 3:0 ku soo garaacday ka dhaliyay gool uu kalidii ka soo shaqaystay oo layaableh, wuxuuna muujiyay qaab ciyaareed fiican oo ay jamaahiirta Liverpool aad ugu bogtay.

 

Moreno ayaa hore kooxda Sevilla ugula soo guulaystay koobka labaad ee kooxaha qaarada yurub ee Europa Leaquega. Moreno oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: "Waa wax layaableh inaad ka ciyaarto horyaalka kooxaha yurub ee Champions leaquega. Aniga wuu igu cusub yahay, wanaag ayaanan ka rajaynayaa”

 

 

 

"Waxaa xiiso u sii yelaya inaanu Real Madrid kula ciyaaridoono Anfield anigoo xidhan funaanad cas ee Liverpool, waxayna noqonaysaa khibrad khaas ah.Koobkan waxaan ku arkay xarunta liverpool ee Melwood, waxaanan rajaynayaa inaanu sanadkan ku guulaysano, oo ay markale maalintaasi soo laabato”.

 

Alberto Moreno ayaan wali fursad u helin inuu kulan ku ciyaaro garoonka Liverpool ee Anfield iyadoo labadii kulan ee uu kooxda u ciyaaray ay kooxdiisu marti u ahayd kooxaha Man City iyo Tottenham waxaana la rajaynayaa inuu kulanka Aston Villa markiisii ugu horaysay ku ciyaari doono Anfield.

 

"Jaamiirta liverpool waxay xataa ku taageerayaan adigoon garoonka ku jirin waxaanad maqalaysaa iyagoo ku heesaya ‘You’ll Never Walk Alone’ waxay ku nool yihiin kubbada cagta, waa jamaahiir Samir badan anigana sharaf ayay ii tahay inaan qayb ka ahaado farxada iyo dareenkan marka aanu ciyaar guulaysano”




Contact@afkashacabka.com