MAKU DHALAY MAKUU DHAXAY HADANA AABE MAYNE WADA DHALAY Qalinkii ibraahin xamari

0
Wednesday April 16, 2014 - 14:50:27 in by Cerigabo Office
  • Visits: 2297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    MAKU DHALAY MAKUU DHAXAY HADANA AABE MAYNE WADA DHALAY Qalinkii ibraahin xamari

    hadii aanad ahayn Qoraa u faa'iideeya dadka kale noqo Akhriste u faa'iiideya naftiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hadii aanad ahayn Qoraa u faa'iideeya dadka kale noqo Akhriste u faa'iiideya naftiisa

MAKU DHALAY MAKUU DHAXAY HADANA AABE MAYNE WADA DHALAY

Waxaa la yidhi beri baa waxaa jiray nin dhalin yaro ah oo ilaahay siiyay awood, dherer iyo qurux oo nin le’eg oo la midi aanu jirin, ninkan dhalin yarada ah ayaa halkii ay reerkoodi degenaayeen waxaa qabsatay abaar daran markaasay reerkii u dooleen (guureen) dhul aad iyo aad u fog oo ka durugsan halkii ay deegaanka ka ahaayeen.

Ninkii dhalin yarada ahaa oo markaa qaan gaadh ah oo (15) shan iyo toban jirsaday ayaa naag kala tagay dadkii meeshan ay u soo guureen degenaa oo ka guur saday.

Ninku waxa uu markaa ahaa caruur masuuliyada qiimaheedaba aan garanayn dabadeetana markii ay gabadhii muddo bil ah wada joogeen ayay heshiin waayeen oo uu xilkeedi qaadi kari waayay kadibna gabadhii oo uur leh ayaa uu furay halkiibaana lagu kala tagay.

Gabadhuna ma ay ogayn markii hore inay uur leedahay markii dambe ee ay ogaatayna waxay ahayd goor la kala tagay oo ninka reerkoodi soo guuray ay dib ugu noqdeen dhulkii ay markii hore ka soo guureen.

Gabadhii waxay dhashay inan yar oo aad u qurux badan oo aabeheed ka raacday lafta iyo quruxdaba iyada oo kalena waligeed la arag isla markii ay afartanka ka baxdayna waxaa guursaday nin reerahooda ah dabadeetana waxay iska korsatay inanteedii waayo ninkii ilmahan ka dhalay garan mayso meel uu ku dambeeyay.

Inantii yaraydna umay sheegin in ninkale uu dhalay ee waxay ku garaad satay ninkii hooyadeed qabay oo ay u taqaanay in uu aabeheed yahay qabiilkiisana ay sheegan jirtay.

Markii laga soo wareegay mudo dhawr iyo toban sanadood ah ayay inantii soo raacday reero ay hooyadeed qaraabo ahaayeen waxayna yimaadeen dhulkii uu aabeheed ku noolaa iyada oo sheeganaysa qabiilkii ay isu taqaanay ee caruurtoodu ahayd.

Ninkii inanta aabeheed ahaa oo hadda (30) sodon jir ah sidii uu gabadhii hore u furayna aan wali gabadh kale guursan oo baryahaaba guur doon ahaa ayaa ka yaabay inantii yarayd quruxdeeda oo iska ishaaq saday inantaa (15) shan iyo toban jirka ah ee quruxdana ilaahay u dhameeyay.

Ninkii isla markiiba waxa uu u soo gogol fadhiistay inantii isaga oo is leh tan oo kale waligaa heli maysid ee yaanay ku dhaafin dabadeetana cidii markaa halkaa joogtay ee masuulka inanta ka ahayd ayaa isa siisay inantii iyo aabeheed oo aan is garanayn.

Inantii iyo aabeheed markii ay is qabeen muddo hal sano ah ee reerihii ku laabteen halkii ay ka yimaadeen markii horeba ayay hooyadeed ku yidhaahdeen inantaadi waxaa lagu guursaday meel hebla.

Islaantii ayaa is tidhi bal inantaadi aad soo booqatid kadibna waxay u timi inantii oo haysata wiil yar ninka qaba ee ka dhalay inanka yarina uu yahay aabeheed!!!

Arintii ayaa halkii ku fashilantay oo waa laysku ceeboobay inantiina markii ay hooyadeed u sheegtay ninka qabay sanadka dhan ee ilmaha ka dhalay in uu aabeheed yahay ayay dhulkiiba iskaga carartay ceeb daraadeed waxayna u baxsatay meel aan cidina ka garanayn iyada oo waliba sheegatay qabiil aan ahayn labadii qabiil ee lagu aqoon san lahaa.

Inantii waxay tagtay dhul kale waxayna iskala dhaqantay dadkale iyada oo ka noqotay halkaa jaariyad dabadeetana markii ay mudadii ka soo wareegtay (18) sideed iyo toban sano ayaa inankeedi oo (18) sideed iyo toban jir ah aabihiina ka raacay lafta iyo xoogaba oo geedkaa le’eg lana moodayo in uu dhawr iyo labaatan jir yahay iyo hooyadii oo wali dumarka ka dhex muuqanaysa quruxdeedina aanay is badalin ayaa hadana ku wada kulmay halkii ay hooyadii ku noolayd.

Isaga oo isna ka yimi dhulkii aabihii ku noolaa kaligiina ah inankii waxa uu isna sidii aabihii oo kale la yaabay gabadhii quruxdeedi waxaanu baadhay qabiilkeeda, in la qabo iyo arimaheedi oo dhan laakiin waxaa loo sheegay qabiilkii beenta ahaa ee ay iyadu ku gambanaysay iyo in aan la qabin.

Inankii markii uu iska hub saday arimaheedi oo dhan laakiin macluumaadka uu hayaa ay yihiin macluumaad beena oo ay iyadu dadka u sheegtay uu hayo ayaa uu isna go’aan saday in uu gabadhaa guursado sidii caadada ahaydna waabu isoo gogol fadhiistay sidii aabihii oo kale.

Isla markiiba waxaa bixiyay hadana reerkii ay la joogtay iyada oo aan ogayn waxaana loo sheegay in nin la siiyay oo dhawaan la guurin doono gabadhii ismay dhigan ee waxay markiiba baadhay ninka la siiyay qoloda uu yahay ileen beri hore ayay wax ku dheceene.

Waxaa loo sheegay ninka haybtiisi guud laakiin waxay wayday cid u sii sheegta ninku qolodaa jilibka uu ka yahay waayo isaga iyo iyaduba halkan waxay ka yihiin qariib qabiilkoodana cidi kama taqaano.

Gabadhii markii ay ogaatay in ninkan soo doontay uu haybta guud la wadaago reerkoodi laakiin aanay hubin cidda uu ka yahay ayay shakiday oo is tidhi malaa tii markii hore kugu dhacday oo kale ayaa hadana kugu dhici doonta.

Way isku dayday in ay la kulanto laakiin fursad u may helin waayo berigii hore sidan yar ee fudud lays kulama kulmi jirin laakiin waxaa markiiba la qabtay arooskii, waayo sida caadada ah ninku markii uu gabadh la tago ama uu soo doonto ee miyiga la joogo isla markiiba arooskiina wuu ku xigaa halka magaalada ay u dhexeyso mudo dhawr bilood ahi.

Arooskii markii habeenkii oo dhan la tumay ciyaarihii, sacabkii iyo mashxaradii ee laga dareeray loona kala tagay iyadii iyo inankeedi oo markaa ninka aroostay ah.

Ayaa intii aan xataa hadalba dhex marin ayaa ileen waa gabadh shakisane ay ku tidhi inankii horta intaynaan wada hadlin waxa aad ii sheegtaa haybtaada oo dhamays tiran iyo inaayadaada.

Inankii ayaa is cadeeyay oo sheegay magaciisa oo sadexan iyo haybtiisi oo dhamaystiran, markii uu hadalkii dhameeyay ayay aqoon satay ninkan ay caawa u dhaxday in uu yahay inan keedi markaasay intay iska kacday ku tidhi:-

(Maku dhalay makuu dhaxay hadana aabe mayna wada dhalay).

Qalinkii Ibraahin Xamari