Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo kulan casho sharaf ah ku qaabilay Safiir-ku-xigeenka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland.

0
Friday August 14, 2015 - 14:28:03 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo kulan casho sharaf ah ku qaabilay Safiir-ku-xigeenka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland.

    Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah agaasimayaasha waaxaha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah agaasimayaasha waaxaha,

qaarka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda iyo masuuliyiin kale ayaa kulan casho sharaf soo dhawayn ku qaabilay Danjiraha dalka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nairobi, Danjire Christian Resch Hudhueelka Ambassador ee magaalada Hargeysa habeenimadii Arbacada 12-ka August, 2015.

Danjire Resch oo booqasho dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, isla markaana soo kormeeray habsami u socodka mashaariic kala duwan oo ka mid ah deeqaha gargaarka horumarineed ee dawladda Jarmalku ka caawiso Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Kayse ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dawladda Jarmalka mashaariicda waxtarka leh ee dawladda Jarmalku ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan oo xagga biyaha, caafimaadka iyo dhinacyo kaleba leh, waxanu dhirrigeliyay in caawimada Jarmalku u fidiyo Somaliland lagu fidin doono dhinacyada kale ee iyaguna mudnaanta u leh u leh Somaliland oo horumarinta dhaqaale iyo maalgashigu ka midyahay.

Safiirka Jarmalka ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadceliyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaah Dibadda iyo xukuumadda Somaliland guud ahaan sida saaxiibtinimada iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay dalka, waxanu rajeeyay inaanay noqon safarkii ugu dambeeyay ee uu ku yimaado dalka.

Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation


Contact@afkashacabka.com