Dhawaaqa Beesha Caalamka Ee Arrimaha Degmada Taleex

0
Thursday April 17, 2014 - 14:43:35 in by Super Admin
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhawaaqa Beesha Caalamka Ee Arrimaha Degmada Taleex

    Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay weerarkii Ciidamada Somaliland Dorraad kula wareegeen Degmada Qadiimiga ah ee Taleex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay weerarkii Ciidamada Somaliland Dorraad kula wareegeen Degmada Qadiimiga ah ee Taleex

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay weerarkii Ciidamada Somaliland dorraad kula wareegeen Degmada Qadiimiga ah ee Taleex xarun u ahayd Maamulka la baxay Khaatumo labadii sanadood ee ugu dambeeyay.


Taleex ayaa ciidamada Somaliland shalay si nabad ah ula wareegeen, ka dib markii ay ku ruqaansadeen.

 


Dhawaaqyo Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Somalia

War qoraal ah oo lagu baahiyay Mareeg uu internetka ku leeyahay Xafiiska Wakiilka gaar ah ee Arrimaha Somalia u qaabilsan Maraykanku, ayaa lagu sheegay inay Washington walaac weyn ka qabto xiisad ka qaraxda Gobolka Sool oo u dhexaysa Somaliland iyo Puntland oo ilaa shalay Hanjabaado warbaahinta isu mariyay.


Warka oo uu soo saaray Wakiilka gaarka ah ee USA u qaabilsan Arrimaha Somalia, ayaa labada dhinac loogu baaqay inay ka waantoobaan ficil kasta oo xasilooni daro abuuraya, iskuna dayaan in isfaham dhaco.


"Maraykanka waxay Walaac qoto dheer ka qabtaa xiisado ka soo cusboonaata Deegaamada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ee gobolka waqooyiga ee Sool. Waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan rabshadaha iyo in ay xal wada hadal nabadeed.


Maraykanka ayaa sii wadaysa Taageerada si ay dadka Soomaalid ahi iskood ugu istaagaan, waxaanay si dhow ula shaqayn doontaa Hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa nabad-gelyada si loo dhiirrigeliyo ammaanka, nabadda, iyo xasiloonida”ayaa lagu sheegay.


Warka ka soo baxay Maraykanka ayaa intaasi ku daraya"Dhisida iskaashi siyaasadeed gobolada Soomaaliya ayaa wali lagama maarmaan u ah kor u qaadista dimuqraadiyadda, maamul wanaagsan, koboca dhaqaalaha, iyo ammaanka ee Soomaaliya”.


Dhinaca kale, ergayga gaarka ah ee Qaranada midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickolas Kay, ayaa isaguna baaq noocan oo kale ah ka soo saaray xaaladda Degmada Taleex.


Kay ayaa Somaliland iyo Puntland u soo jeediyay inay ka dhowrsoonaadaan isku Milateri.


Madaxweynaha Somalia ayaa isaguna maanta arrintan ku tilmaamay mid xasiloonida Gobolka iyo geedisocodka qorshaha nabadda ee dawladdiisa dhaawacaysa.


Wararkii u dambeeyay ee Taleex

Degmada Taleex ayaa 155km dhinaca Waqooyi bari kaga beegan Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka.

Hogaamiyihii Maleeshiyaadka Khaatumo iyo masuuliyiintii kale ee Maamulkiisa ayaa shalay arroornimadii hore iskaga baxay Magaaladda, una baxsaday Deegaanka Xalin oo ilaa 55Km u jirta Taleex.


Ciidamadda Somaliland ayaa goor sii horaysay ku adkaystay inay tageen Deegaan ka mid ah Dhulka xuduudka Somaliland ku jira oo aanay Puntland lahayn.


Laakiins sheegashadaasi ka dib, warar gelinkii dambe ee Maanta laga helay Degaanka ayaa sheegaya inay halkaasi dib uga soo guureen Ciidamadii shalay gaadhay.


Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha dhacdooyinka isa soo taraya ee ku aadan Taleex.


Warar madaxbanaan oo laysla dhex marayo ayaa tibaaxay in Ciidanka Somaliland ku soo laabteen Xeryahoodii ay hore uga baxeen.


Muranka Somaliland iyo Puntland

Somaliland iyo Puntland ayaa soohdin dhinac waliba aragti gaar ah ku xalaashado ka leh Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.


Somaliland ayaa markii ay madaxbanaani dawladnimo ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii xuduudkeeda Maamul ku cayimtay Dhulkii ay dawladda Ingiriisku gumaysan jirtay.


Hase ahaatee kala jiidasho labada dhinac ku hayeen Gobollada laysku hayo ayaa ilaa heerkan soo gaadhsiiyay arrinta.


Danne dibaddeed:Dhulka Khayraadka Qaniga ku ah

Dhulka laysku hayo ayaa u badan meello qani ku ah Macdanta iyo Shidaalka.


Dadka Odorasa Arrimaha Siyaasadda ayaa aaminsan inay dano shisheeye dabada ka riixayaan kala sheegashaada labada dhinac ee Deegaamada xuduudka.


Danaha siyaasaddeed ayaa farta lagu fiiqayaa inay xaalada kala socdaan meelo ka baxsan waddanka iyo wakiillo gudaha u jooga.



Deegaamo ka mid ah degmada Hol-hol ayaa Shirkaddo Reer Galbeed ahi heshiis kula galeen dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad Barre inay shidaal ka soo saaraan.