"Ka Bixitaanka Golaha Wakiilada Ee Xildhibaanada Awdal Waxay Carqalad Ku Tahay Qabsoomida Doorashooyinka". Xildhibaan C/risaaq Aar.

0
Tuesday August 18, 2015 - 08:44:01 in by Hargeysa Office
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ka Bixitaanka Golaha Wakiilada Ee Xildhibaanada Awdal Waxay Carqalad Ku Tahay Qabsoomida Doorashooyinka". Xildhibaan C/risaaq Aar.

    Xildhibaan Cabdirisaaq maxamuud Jaamac (Aar) ayaa Si Adag Uga Hadlay Go'aanka xildhibaanada gobolka Awdal ee xeerka saami qaybsiga golaha wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdirisaaq maxamuud Jaamac (Aar) ayaa Si Adag Uga Hadlay Go'aanka xildhibaanada gobolka Awdal ee xeerka saami qaybsiga golaha wakiilada.


Hadaynu dib u milicsano taariikhda, sanadkii 2003 ayey ahayd markii golihii wakiiladii xiligaasi ka doodayeen xeerka lagu soo dooranaayo xildhibaanada golaha wakiilada somaliland xiligaas waxaa muran xoogani ka yimi saamiqaybsiga gobolada dalka markii lays mariwaayey waxaa golaha ka baxay xildhibaanadii ka soo jeeday gobolka Awdal oo ka biyo diiday.saamigii loo qoondeeyey gobolkaas.

SIDEE LOO XALIYEY KHILAAFKAAS golihii wakiiladu iyagoo kooramku u buuxo ansixina kara xeerkaas ayey hadana u joojiyeen walaalahoda ka maqan shirkiina halkas ayey ku hakiyeen. arintii waxaaa soo dhexgalay madaxwaynihii xiligaas Mudane Rayaale kana soo jeeda gobolka Awdal wuxuu ka ciyaaray door muhima. xeerkii waxaa lagu lifaaqay go’aan xal ah maxkamada sarena iyana go’aankaas tastiiqisay. lifaaqaas oo ah in xeerkani yahay ku meel gaadh, laguna gelaayo doorashada 2005 ka dhacaysa dalka ee wakiilada doorasho danbena aan lagu geli karin, reer awdalna saamigooda la siin doono ayaa loo balan qaaday, waxaana la raaciyey in golaha cusub ee xeerkan lagu soo doortaa ay sameeyaan xeer rasmiya oo lagu wada qanacsan yahay, qarankana kayd rasmiya u ahaado. Haddaba waxaa ayaan daro ah in muddo 12 sano ah 2003—2015 kadib in marlabaad murankii dib u soo noqdo isagii oo tabtiisi ah,dadka aduunka ku nooli khaladka iyo dhibka mar soo maraa dib uma soo maro oo way ka diyaar garoobaan, waxaan leeyahay Golaha wakiilada ee hada jira waxay jireen 2005—2015 waa mudo 10 sano ah, waana wakiiladii lagu soo doortay xeerkan ku meelgaadhka ah, waana cidii qarankani ka sugaayey in ay xeerarka dalkan iyo dadkani ku noolaanayaan u sameeyan, mudadii ay joogeen way sameeyen xeerar badan laakin xeerarku siday u kala horeeyen ama u kala muhiimsan yihiin umay samayn, qaran dhan oo doonaaya in uu qaato hanaanka doorashooyinka iyo xisbiyada badan oo aan hadana lahayn wax ala waxay golohooda sharcidejinta ay ku soo doortaan, xeerkani wuxuu wiiqaya wada jirka shacabka somaliland iyo midnimada qarankan, waa xeerka miisankiisu intaa leeg yahay maxay xildhibaanadu ahmiyadiisa u siin waayen? wakiilada hada jooga diyaar uma aha in golaha doorasho ka dhacdo oo umaddo xildhibaano cusub soo doortaan, waxa kale oo ay khal khal geliyeen guud ahaan doorashooyinkii dalka, murankan hada taagana iyagaa ka masuula, sababta oo ah waxay isku xidheen doorashadii madaxtooyada oo xeerkeedi dhamays tiran yahay iyo tii wakiilada oo xeerkeedi sidaas yahay. xildhibaanada reerAwdalna way saxan yihiin waxaana lagaga baxay heshiiskii 2003 lawada galay. wakiiladana waxaan leeyahay 10 sano xeer laguma samayn waayine hagrashaa idinku jirtee ummadu way idin sharaftay oo idin dooratay duniduna maantoo qudha maahe weji dhigta oo umada daacad ugu adeega 


Allaa mahad leh 


Xil - Cabdirisaaq Aar 

Golaha Degaanka Burco