Qaramada Midoobay Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanadi Mooshinka Ku Waday Madaxweyne Xasan Sheekh.

0
Wednesday August 19, 2015 - 21:51:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanadi Mooshinka Ku Waday Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wakiilka Qaramada Midoobe U Qaabilsan Arrimaha Somaliya, Amb. Nicholas Kay, ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee Mooshinka ka soo gudbisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Qaramada Midoobe U Qaabilsan Arrimaha Somaliya, Amb. Nicholas Kay, ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee Mooshinka ka soo gudbisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan, ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka (Villa Hargeisa), iyadoo uu Wakiilka Xildhibaanada ka dhageystay fekerkooda la xiriira in xilka laga xayuubiyo Madaxweynaha.

Labada dhinac oo in muddo ahba isla rog rogaayay Mooshinka Arbacadii hore loo gudbiyay Guddoonka Sare Baarlamaanka, ayuu Nicholas Kay ka baxay Xildhibaanada, waxa uuna u tagey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo sidoo kale uu kala hadlay arrimaha Mooshinka.
Nicholas Kay, ayaa laba saacadood ka dib waxa uu ku soo laabtay Villa Hargeisa, oo kulan kale uu kula lee yahay Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in Wakiilku uu dhex dhexaadin ka dhex wado Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ku kacsan.
Nicholas Kay ayaa dadaal ugu jiro, sidii uu isugu soo dhawayn lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada boqolka ku dhow, ee Mooshinka soo diyaariyey.
Saacadaha soo socda, ayaa la kala ogaan doonnaa waxa ay isku raacaan Xildhibaanada iyo Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Somaliya, inkastoo aynaan xilligan weli go’aan cad wada gaarin, kulanka oo weli u socda.
Beesha Caalamka, ayaa u muuqato toddobaad ka dib inay dhex dhexaadin ka dhex bilowday Xildhibaanada iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku kala qaybsan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan, waxayna qaarkood u arkaan inaan xilligan loo baahnayn wax Mooshin ah.



Contact@afkashacabka.com