Gudoomiye Jawaari Oo Loogu Baaqay Inuu Cadeeyo Dariiqa Uu Marinayo Mooshinka Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh.

0
Saturday August 22, 2015 - 15:15:34 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Jawaari Oo Loogu Baaqay Inuu Cadeeyo Dariiqa Uu Marinayo Mooshinka Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan, Jawaari ayaa laga dalbaday wadada uu marinaayo Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu cadeeyo, maadaama Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan si sharci ah Mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan, Jawaari ayaa laga dalbaday wadada uu marinaayo Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu cadeeyo, maadaama Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan si sharci ah Madaxweynaha ay mooshinka uga soo gudbiyeen.

Xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, oo ka tirsan xubnaha Mooshinka soo gudbiyay, ayaa sheegay inay uga fadhiyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia inuu cadeeyo wadada mooshinka uu marsiinaayo, xilli lawada sugaayo jawaabta Guddoonka Baarlamaanka xilliga Mooshinka ay ka hadlayaan Xildhibaanada.

Wuxuu sheegay Guddoonka Baarlamaanka Mooshinkaan in loo gudbiyay waqtigii uu kasoo noqday Safarkii Dibada uu ugu maqnaa, ilaa iminkana uusan cadeyn wadada la marinaayo Mooshinkaan.
Xildhibaan Cabdi Samad, ayaa sheegay inay suuragal tahay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu la tashi ku jiro, balse mar waliba Xildhibaanada ay u fadhiyaan inuu cadeeyo dariiqa Mooshinka la marinaayo.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi Samad, ayaa sheegay Xildhibaankii saxiixa Mooshinka inuusan ka noqon karin Mooshinkaasi ilaa laga gaaro waqtiga codeynta Mooshinka, taasina ay ku cadahay Xeer hoosaadka u yaallo Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa dhawaan waxa ay geli rabaan fasax, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka weli uusan cadeyn Xilliga Mooshinkaan Baarlamaanka ay ka doodayaan.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay Mooshinka laga gudbiyay, balse wuxuu ku tilmaamay inuu dalka dib u dhac u keenaayo Mooshinkaasi.

Contact@afkashacabka.com