Xidlhibaanada Mucaaridka & Muxaafidka Oo weli Ku Kala Aragti Duwan Qabsoomida Doorashoyinka Ee 2017.

0
Tuesday August 25, 2015 - 16:58:45 in by salman abdi
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidlhibaanada Mucaaridka & Muxaafidka Oo weli Ku Kala Aragti Duwan Qabsoomida Doorashoyinka Ee 2017.

    Asxaabta mucaaradka ah ee Somaliland ayaa wali ka walaacsan in doorasho dalka ka qabsoomi waydo wakhti muddo kordhinta xukumaddu ku eeg tahay ee ah March,2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asxaabta mucaaradka ah ee Somaliland ayaa wali ka walaacsan in doorasho dalka ka qabsoomi waydo wakhti muddo kordhinta xukumaddu ku eeg tahay ee ah March,2017.

 Waxay ku doodayaan inaanay xukumaddu wali u dhaqaaqin arrimaha doorashada ka qabyada ah ee ammaanka iyo shuruucda ku saabsan.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan golaha wakiillada kana soo jeeda xisbiga Waddani, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan xisbiga Ucid iyo xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa arrintan kaga dooday dood BBC-du u qabatay, waxaanay ku kala aragti duwanaadeen saadaasha ah in doorasho dhacdo 2017-ka.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa aragtidiisa sidan u cabiray "Sidaynu wada ogsoonahay madaxweynuhu shantii sannadood ee uu xilka hayay malaha 5 jeer buu goleyaasha qaranka ka hor sheegay inaan wax muddo kordhin ah loo samaynayn, taasi may rumoobin oo may dhicin, waynuna aragnaa in madaxweynuhu muddo kordhin dalbaday oo loo sameeyay.”
XIldhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo sii hadlaya ayaa yidhi "Hadda waynu ognahay in maxakamadda dastuuriga ahi soo afjartay oo ay ku soo meerisay in doorashada la qabto 2017, bisha March laakiin, ilaa hadda inkastoo ay go’aan maxakamadeed tahay haddana ma hayno damaanad qaad rasmi ah, shaki badan baana jira.”
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa walaaciisa dib u dhac dambe oo doorashada ku yimaadda ah kuk sababeeyay inaanay xukumaddu wali u dhaqaaqin asbaabihii doorashadu wakhtigeeda ku hir gali lahayd.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, ayaa isna sheegay in doorashada lagu qaban karo wakhtiga hadhay haddii loo hagar baxo "Waa wakhti doorasho si xarago leh loogu qaban karo, haseyeeshee kalsooni badan iyo wakhti badan baa lumay, waxyaabaha qabsoomida doorashada lagu saadaalinayo waxaa ka mid ah Sharciga iyo amniga, waxaana wali aan muuqan tiirarkii xukumaddu buuxin lahayd, inkastoo go’aanka maxamaddu cusub yahay,haddana kalsooni badan baa luntay,” ayuu yidhi Mudane Qabille.
XIldhibaan Cali Mareexaan ayaa isagu aaminsan in wakhtigaasi ay doorashadu ku qabsoomayso "Muddadaas hadda la isla qaatay ee maxakamaddu go’aamisay ee umaddu isla waafaqday ee ah in doorashadu dhacdo March, 2017, anigu shar saadin maayo ee khayr baan saadinayaa, waxaanan aamisanahay in doorasho inoo dhacayso. Waxaan diyaar u nahay in wixii shuruuc ah ee doorasho ku dhacayso dhammaystiro oo aan shaqo u dhaqaaqno, dhinacayagana waxaanu aaminsanahay in doorasho wanaagsan inoo dhacayso,” ayuu yidhi Mudane Mareexaan.
Muddo xileedka madaxtooyada iyo wakiillada Somaliland oo ku eekayd 26-June-2015, ayaa la kordhiyay ilaa March, 2017 iyadoo muddo 22 bilood ah ay guurtidu u kordhisay islamarkaana maxakamadda sare sii adkaysay go’aankaasi.