Booliska Maraykanka oo xaqiijiyey inu Dhintay Ninkii Dilay Weriyaasha Maraykanka ah

0
Thursday August 27, 2015 - 09:36:21 in by salman abdi
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Maraykanka oo xaqiijiyey inu Dhintay Ninkii Dilay Weriyaasha Maraykanka ah

    Taliyaha booliska ee deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi lagu tuhunsanaa weerarkaasi oo lagu magacaabi jiray Lester Flanagan uu gaarigiisa orod ku maray jid gooye ay dhigteen booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha booliska ee deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi lagu tuhunsanaa weerarkaasi oo lagu magacaabi jiray Lester Flanagan uu gaarigiisa orod ku maray jid gooye ay dhigteen booliska.


Gaarigiisa ayaa ka baxay wadada kaddib markii uu istoogtay waxaana loo qaaday isbatalka halkaasi oo uu ku dhintay.

Fariin la sheegay in uu soo diray ninkaasi hubaysnaa ayaa muujinaysa in uu ka caraysnaa wax lagu sheegay cunsuriyad oo isaga lagula dhaqmay.Mr Flanagan ayaa la qabtay saacado un kaddib markii sida la sheegay uu dilay weriyayaasha TV xilli ay toos war tabinayeen.

Fariintaasi qoraalka ah oo uu u diray (ABC news) ayaa waxa uu ku sheegay in loo bartilmaameedsaday inuu ka tirsanaa ragga ragga kale u galmooda isla markaana madow ah sidaana shaqada looga eryay.

 

Maareeyaha taleefishinkaasi ayaa ku tilmaamay ninkaasi mid aan faraxsanayn oo ay adkeyd in lala shaqeeyo.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerrarka mid tusaale u ah waxyeelada adeegsiga hubka taasoo gudaha Mareykanka ka noqotay wax caadi ah, waxa uuna ugu baaqay Congress-ka in uu meelmariyo sharciyo adag oo lagu xakameynayo isticmaalka hubka.



 

Sources Bbc Somali