Madaxwayne OBAMA Oo Taageeray Qorshaha Jarmalka Ee Ku Aadan Qaabilaada Qaxoontiga .

0
Thursday August 27, 2015 - 16:41:22 in by salman abdi
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne OBAMA Oo Taageeray Qorshaha Jarmalka Ee Ku Aadan Qaabilaada Qaxoontiga .

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa khadka teleefonka kula xiriiray raysal wasaaraha dalka Jarmalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa khadka teleefonka kula xiriiray raysal wasaaraha dalka Jarmalka

 haweeneyda la yiraahdo Angela Merkel, waxaana uu ku amaaney kuna tageeray go’aanka ay qaadatey sida loo maareynayo qaxootiga ku soo jabey qaaradda Yurub, sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka cad.

obama-740x555

Obama waxaa si weyn u soo jiitey go’aanka Merkel ee ah in laga yareeyo culeyska dalalka ay ku dhacdey dhibaatada ugu weyn ee qul-qulka qaxootiga, kuwaas oo aan awood u hayn ay ku maareeyaan qxootiga faraha badan.
Dalka Jarmalka ayaa go’aan ku gaarey in aan dib loogu celin qaxootiga Siiriyaanka ah dalkii u horeeyey ee Yurub ay ka soo degeen, sida uu qabey heshiiskii Dublin (Dublin Convention).
Raysal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Markel ayaa ku dhawaaqdey in Jarmalku markaan ka haraayo xeerkii iyo heshiiskii Dublin, kaas oo dhigaayey in magan-gelyo doonko uu weydiisto magangelyo dalka u horeeya ee uu ka soo dego Qaaradda Yurub oo aanu u gudbi karin dal kale.
Angela Merkel ayaa maalintii shalay booqatey xeryaha qaxootiga ee dalka Jarmalka, kadib markii kooxo laga tiro badan yahay oo cunsuriyiin ah ay mudaaharaado looga soo horjeedo qaxootiga dhigeen.