"Ujeeddada safarkayga Hargeysa waxa weeyaan waxaan goostey inaan gurigeygii ku noqdo, waayo..."Ismaciil Hurre Buubaa

0
Friday August 28, 2015 - 13:52:07 in by salman abdi
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ujeeddada safarkayga Hargeysa waxa weeyaan waxaan goostey inaan gurigeygii ku noqdo, waayo..."Ismaciil Hurre Buubaa

    Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,

balse muddo dheer aaminsanaa mabda’a Soomaali-weyn ayaa la filayaa inuu  Maanta dib ugu soo laabto Caasimadda Hargeysa,.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Raysal-wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ka soo qabtey dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya soo mara ayaa dhawaan beddelay Mabda’iisa siyaasadeed, waxaanu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa isla-markaana dadkiisa wax la qabsado.

Ismaaciil oo soo dhaweyn loo samaynayo laga dareemayey Magaalada Hargeysa maalmihii la soo dhaafey ayaa hore u sheegay inay isaga iyo Madaxwaynaha Somaliland dhawaan isku arkeen dalka Imaaraadka Carabta, sidaa daraadeedna uu dalkiisa dib ugu soo laabanayo oo uu ku noolaanayo.
Dhanka kale, Wareysi dheer oo uu Ismaaciil Hurre Buubaa doraad siiyey shabakadda wararka ee Togaherer.com uu ku sheegay inuu Hargeysa imanayo Maalinta Isniinta ah oo maanta ku beegan, ujeeddada safarkiisuna la xidhiidho inuu u soo rujuucay dhanka Somaliland, kana baxay qadiyadda Soomaali-weyn ee uu muddada dheer dabada hayey "Ujeeddada safarkayga Hargeysa waxa weeyaan waxaan goostey inaan gurigeygii ku noqdo mana aha markii ugu horeysay, waayo waxa Hargeysa iigu horeysay oo aan tagey 1991-kii..” ayuu yidhi, Ismaaciil Buubaa, waxaanu intaasi ku daray oo uu tilmaamay in sababta Maqnaanshihiisa hore tahay siyaasadda uu ku jiray "Waxaana sabab u ah (ka maqnaanshiyaha Somaliland) hawlaha siyaasadeed ee aanu ku hawllanahay, laakiin imika waxaan arkay inay lagama maarmaan tahay inaan Hargeysa ku noqdo siyaasadda maanta taagan awgeed, markaa waxaan doonayaa inaan hawl-maalmeedkii siyaasadeed iyo nabadeed aan ugu noqdo Magaaladii aan ku dhashay ee Hargeysa, wixii aan u qaban karo dadkaygana aan u qabto oo aan la joogo…”