Hargaysa:Ma Dhaba In Xukumadu Ay Ku Celisay Qararka Golaha Wakiilada Ay Kaga Codeeyeen Haamaha Shiidaalka.

0
Wednesday September 02, 2015 - 21:43:18 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Ma Dhaba In Xukumadu Ay Ku Celisay Qararka Golaha Wakiilada Ay Kaga Codeeyeen Haamaha Shiidaalka.

    Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa aqalka golaha wakiillada dib ugu celiyay go'aankii golahaasi ku laalay wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa aqalka golaha wakiillada dib ugu celiyay go'aankii golahaasi ku laalay wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.


Golaha ayaa. maalmihii la soo dhaafay hor istaagay heshiis xukumaddu waday oo ku saabsan in Kaydka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejiyo shirkaddo maxalli ah, kuwaasi oo isku urursaday gacan ku haynta maamulka Haamaha. Waxaa la sheegay in xukumaddu muddo ku siman 25 sanno u saxeexayso shirkaddahan dalka Shidaalka keena inay maamulaan Haamaha lagu kaydiyo shidaalka dalka la keeno.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa VOA-da u sheegay in Madaxweynuhu dib ugu celiyay go’aanka goluhu ku laalay in la wareejiyo hay’adda Haamaha, si goluhu dib ugu eego heshiiska.
Xukumadda iyo shirkaddaha Shidaalka ayaa u kulul in Haamahaasi lagu wareejiyo shirkaddaha Shidaalka balse wali bulshada umay sharixin sababta loo wareejinayo iyo danta shirkaddahaasi u hayaan Haamaha.
Golaha wakiillada ayaa ka marag kacay in xukumaddu dayactir fiican ku samaysay Haamaha haatana ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana wareejintoodu u muuqato naas-nuujin loo samaynayo dad gaar ah.
Haamaha ayaa maamulkoodu sheegay in sanadkii lacag dhan 24 Milyan ka soo baxdo, balse goluhu wuxuu sheegay inaanay arag wax xisaab xidh ah oo lacagtaasi siday xukumaddu u isticmaasho ku saabsan.

Afkashacabka Hargaysa/Office 

Contact@afkashacabka.com