Dablay Hubsan oo Weerar Ku qaaday Xabsiga Magaaladda Laascaanood iyo Khasaaraha Ka dhashay

0
Saturday September 05, 2015 - 17:59:06 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dablay Hubsan oo Weerar Ku qaaday Xabsiga Magaaladda Laascaanood iyo Khasaaraha Ka dhashay

    Ciidamo beeleed hubaysan ayaa isku gadaamay habeenimadii xalay Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood kuwaasoo ka hortagayay in la qaado maxaabiis xabsiga kujirta kadib markii xabsiga dhexe ee Magaaladdu buuxsamay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo beeleed hubaysan ayaa isku gadaamay habeenimadii xalay Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood kuwaasoo ka hortagayay in la qaado maxaabiis xabsiga kujirta kadib markii xabsiga dhexe ee Magaaladdu buuxsamay.
Dhacdadan ayaa timi kadib markii laga war helay inay magaalada soo gaadheen 2 baabuur nooca loo yaqaan shabaqlaha ee maxaabiista daabula kuwaasoo la doonayay in lagu qaado qaarkamid ah maxaabiista xabsiga oo la sheegay inuu buuxsamay.

Raga hubaysan oo aad u tiro badan ayaa xabsiga isweer ka qabtay kuwaasoo lagu wargeliyay in la qaadayo 3 nin oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad oo loo soo qabtay inay qayb ka yihiin iska hor imaad bishii Ramadaam ku dhexmaray beesha Jama siyaad iyo Beesha Sacadyoonis deegaanka Guumays taasoo ay ku dhinteen 2 nin.

 

3-dan nin ee xidhan ayaa ah eedaysanayaal inay iska hor imaadkaas qayb ka ahaayeen balse ayna jirin cid ku cadaynaysa inay kamid ahaayeen raggii dagaalkaas galay iyadoo iskudayo la doonayo nimankan in loogu wareeejiyo xabsiyada Burco iyo Hargeysa ay ka dhasheen khilaafaad xoogan.


Contact@aflashacabka.com