WASIR XIRSI HALYEY QARAN W/Q KHADAR IBRAHIM

0
Saturday April 19, 2014 - 18:30:40 in by Super Admin
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIR XIRSI HALYEY QARAN W/Q KHADAR IBRAHIM

    Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

waxaan shaki ku jirin layskuna khilaafi karin inay daacada iyo kartidu ay u tahay dhagaxa u asaaska ah ama tiir dhexaadka wax waloo la qabto ama hawl waloo biniaadamku u dhaqaaqo, labadaasna hadii laga waayo howl loo dhaqaaqo mid qaran ama mid gaaraba, midha badani kama dhashaan,waxaa soo raaca aqoonta ,planka iyo kudhaca ama ku dhiiriga,lakiin intaa hadaanad ka daacad ahayn waxbadani kuuma qabsoomayaan.

hadaba masuuliyada aad qaranka u qabataa hadaanad daacad ka noqon oo dadaal gelin masuuliyadaa laguu igmaday midha sidaad uga dhalisaa way kugu adkaanaysaa,qaranka howshaad u qabataa marka hore waa mid aad eebahaa raali kaaga noqonayo bulshaduna kaaga marag kacayso markaad si daacada ugu shaqayso.

waxaan intaa uga socdaa xukuumadeena maanta ka talisa ee xisbiga Kulmiye waxaa ka soo mudhay shakhsiyaad runtii ka tilmaaman masuuliinta kalee xukuumada fartana lagu fiiqo haday noqoto wasiir ama mid ka sii hooseeyaba waa wasiirka madaxtooyadda Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan ,, ilaahay haka jasaa mariyo una fududiyo shaqada umada u hayo.

runtii waxaa wax lagu farxo ah markaad aragto shakhsi masuula oo qarankan howl u haya weliba mid culus sida wasaarada madaxtooyadda oo aynu wada garankarno culayskay leedahay ,hadana markuu masuulkaasi ka soo dhalaalo shaqadiisa waa mid farxad dheeraad ku gelinaysa taas waxaa u raacad markaad aragto daacadnimada iyo kartida ka muuqata waa mid kaloo farxad dheeraada kugu abuuraysa iyo kalsooni.

runtii waxaynu dareemi karnaa farqiga u dhaxeeya masuuliintii uga horaysa wasir xirsi xaga rag soo maray xukuumaddihi hore farqiga u dhaxeeya waxqabad muuqda,waa mid u baahan kudhac siyaasadeed,waxaynu aragnay sida uu u xaliyo khilaafadka sida kan imika khaatomo state iyo awdal state oo runti isagoo door weyn ka ciyaaray soo xareentooda,waa nin codkara ,hadal yaqaana ,aqoonyahana,ixtiraama qaderiyana bulshadiisa qaybaheeda kala duwan haday noqoto oday dhaqameedada,dhalinyaro haween,waa shakhsi dareema dadka danyarta ah ,waa shakhsi u tudha bulshadiisa kuna takrifalin awoodiisa,waa shakhsi ay jecelyihiin shaqaalihiisu iyo qaybaha kala duwan ,waa shakhsi jecel inuu wax waloo u fududeeya ciidanka amaanka howlahooda u hirgeliya xita.

lagama yaabo inaynu isku khilaafayno wasir Xirsi waxqabadkiisa iyo kartidiisa, daacdnimadiisa iyo shakhsigiisaba waa shakhsi ka madhan qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ,waa shakhsi jecel inuu sinaan iyo cadaalad wax ugu qabto umadiisa Somaliland,bal eeg wadooyiinka ka socdadhismahooda bari iyo galbeedba .

waxaan ku soo gabagabaynaya runtii waa mid waajib aan u arkay in kelmed wanaagsan aan ka idhaahdo shakhsi ku tilmaaman waxqabad iyo siirad wacan, ilaahay hala garab galo wasiir xirsi hawshiisa qaran, waxaan leeyahay inta joogta wadanka shacab iyo masuulba in lagarb istaagno wasiir xirsi guulaha u uu wado qaranka,waxaanu ku garab taaganahay wasir .

W/Q Khadar Ibrahim A

Khadar338@hotmail.com