Daawo Sawiro Ku Saabsan Dagaal Gacan Ka Hadala Oo Dhexmaray Ciro iyo Baashe iyo Xildhibaano La Kale Saftay

0
Saturday September 12, 2015 - 12:10:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro Ku Saabsan Dagaal Gacan Ka Hadala Oo Dhexmaray Ciro iyo Baashe iyo Xildhibaano La Kale Saftay

    Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee Saaka, ayuu ka dhacay dagaalkii ugu xuma ee tariikhda Golahas soo mara, kadib markii Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga WADANI iyo Musharaxa Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee Saaka, ayuu ka dhacay dagaalkii ugu xuma ee tariikhda Golahas soo mara, kadib markii Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga WADANI iyo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi uu dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.


imageimage

Aqlabiyada Golaha Wakiilada ayaa mooshin ka keenay qararkii Goluhu hore u ansixiyay, ee haamaha shidaalka waxaana shirka Golaha guddoominaayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, isagoo ku wargaliyay Xildhibaanada in loo gudbin doono muushinkooda la taliyaha sharciga ee Golaha, arrintaas oo buuq ka dhashay iyadoo Xildhibaanada Muxaafidku ku doodeen in aanay cadaalad ahayn inuu Guddoomiye Cirro muushinku doonaayana daqiiqado ku dhaafiyo Golaha ka aanu rabina uu hoosta dhido.

Murankaasi wuxuu keenay inuu Guddoomiye ku-xigeenka Goluhu Baashe Maxamed Faarax ku doodo in aan shirka la xidhin, taaso ay ka dhalatay dagaal feedh uu u adeegsaday Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo uu ku qaaday ku-xigeenkiisi.

imageimage

Markale ayuu Guddoomiye Cirro oo markii hore la qabtay ka soo faro muruxsaday kooxdi haysay oo uu la soo gaadhay feedhadh kale Guddoomiye ku-xigeenka Baashe Maxamed Faarax, taas oo keentay inay dhulka isula dhacaan labada Guddoomiye oo isla gal gashaan. Dhacdadaas oo Xildhibaanadii iyo Saxaafadii ku jirtay gudaha Golaha Wakiilada ku abuurtay qosol iyo naxdin gariir, maadaama Guddoomiyihii Golaha hagaayay oo sidoo kalena ah masuul xilal waa weyn dalka ka damacsani uu sidii Dadka Masaaracada ciyaara la gal gashay dagaal aanu waxba la hadhin. Wixii warar ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas ka dhashay kala soco shabakadda Wararka ee 



Contact@afkashacabka.com