Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Haweenay Si Khaldan Diinta U Baraysay haween Kale

0
Sunday September 13, 2015 - 16:43:31 in by Burco Office
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Haweenay Si Khaldan Diinta U Baraysay haween Kale

    Maxkamadda Hargeysa ayaa shalay xukun ku ridday Haweenay ku eedeysnayd inay abuurtay Qal-qalgelin Diinta Islaamka ah, isla markaana fikrado khaldan ka dhadhicinaysay haweenka degan xaafadda Guryo samo ee degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Hargeysa ayaa shalay xukun ku ridday Haweenay ku eedeysnayd inay abuurtay Qal-qalgelin Diinta Islaamka ah, isla markaana fikrado khaldan ka dhadhicinaysay haweenka degan xaafadda Guryo samo ee degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa

.

Gudoomiyaha degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer-Geel ayaa xukuno kala ah hal sanno oo xarig ah, hal milyan oo shilinka Somaliland ah, kaasoo u dhigma $140 iyo musaafurin isugu jirta ku xukumay haweenay lagu magacaabo Sacdiya Sheekh Yuusuf Wardheer oo lagu eedeeyay inay ku geftay Diinta Islaaamka, isla markaana arrimo Qal-qalgalindiimeed ku abuurtay shacabka Xaafadda Guryo-samo.

Ugu horreyn, Guddoomiye Degmada Hargeysa, C/rashiid Beer-geel oo dacwadda ka hadlaya waxa uu yidhi"Dacwadan waxa dacwoode ka ah qaranka Somaliland, Waxaana eedeysan ka ah Sacdiya Sheikh Yuusuf oo da’deedu afartan jir tahay, waxa lagu eedeynaya inay ku geftay qodobka 314 xeerka ciqaabta guud oo sheegaya khalkhal galin arrimaha diiniga ah, maxkamada waxay dacwadani soo gashay 05, September, 2015, waxayna maxkamaddu dacwada dhegaysanaysay lix maalmood”.

Guddoomiyaha degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer Gee loo sii faahfaahinaya waxa lagu eedeeyey waxa uu yidhi "maxkamadda Hargeysa markay u fadhiistay Dhagaysiga dacwada oo lagu eedeeyey khalkhal galin Diinta Islaamka, waxa haweenaydan laga soo qabtay xaafadda guryo samo, iyadoo dumar u dhigaysadiinta islaamka si khaldan wax ugu sheegaysa waxaana ka mid ah waxa lagu soo eedeeyey inay tidhi marka malakul Jibtiil Nabiga u keenayo waxyiga wuxuu isku soo eekeysin jiray suuradda Caasha (Xaaskii nebiga), waxa kale oo lagu soo eedeeyey inay tidhi mushaharka dawladdu waa xaaraan, waxa kale oo lagu soo eedeeyey in aan caruurta la geyn dhakhtaradda, waxa kale oo lagu soo eedeeyey in aan Ciidda lala tukan dadweynaha, sidaasna ay ku khalkhal galisay haween deganaa xaafddaasi, hadaba markii gabadhu ka hor qiratay maxkamadda horteedda, waxayna tidhi haa waan idhi dawladda ka dhigan wayda hadyiga nabiga sunne qofkii ugu kaalmeeyaa inaanu ka mid ahayn umadda Nabiga xawdkana aanu ka cabanaynin nebigana,wayna sheegtay in marka uu jibriil nabiga u imanayo uu Caasha Abibokor isku eekeysiin jiray, waxaana halkaasi yimid markhaatiyaddii oo ay ka mid ahaayeen culimo ka socota wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo ardaydii fikirka khaldan ula timid ee ka diiday”,

Gudoomiyaha maxkamadda oo xukunkii gabadha akhriyey waxa uu yidhi "Maxkamadu markay aragtay xeerarka ciqaabta guud waxay ku xukuntay Danbiile khalkhal galisay caqiidadii fiicnayd ee dadka degana xaafada Maxamuud Haybe, Sacdiya Sheikh Yuusuf Wardhaare hal sanno oo xadhig ah, hal milyan shiling Somaliland maadaama oo dambigeedaasi uu kaga hor cadaaday maxkamada horteeda ooay qiratay, waxaanu ka bilaabmaya maalintii la soo xidhay 31 August,2015, racfaan ma laha maadaama oo ay qiratay dambigan, marka xadhiga dhamaysato waxa loo mustaafurinayaa dalkii ay udhalatay ee ay ka timid ee Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Cadaado oo ay tidhi waan ka soo jeedda”.