Xog Ururin Ku Saabsan Qiimaynta Amniga iyo Khilaafaadka Degmada Oo Ururka Xoojinta Nabaddu Ku Soo Bandhigay Burco+SAWIRO

0
Sunday September 20, 2015 - 15:20:52 in by Burco Office
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Ururin Ku Saabsan Qiimaynta Amniga iyo Khilaafaadka Degmada Oo Ururka Xoojinta Nabaddu Ku Soo Bandhigay Burco+SAWIRO

    Ururka Ururinta Xogaha iyo Xoojinta Nabadda ee Hargeysa ayaa Xog ururin ku saabsan Qiimaynta Amniga iyo Khilaafaadka Degmada ku soo Bandhigay Magaalada Burco isla markaasna kulan ugu qabtay Qaybaha kala duwan ee Bulshada BUrco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Ururinta Xogaha iyo Xoojinta Nabadda ee Hargeysa ayaa Xog ururin ku saabsan Qiimaynta Amniga iyo Khilaafaadka Degmada ku soo Bandhigay Magaalada Burco isla markaasna kulan ugu qabtay Qaybaha kala duwan ee Bulshada BUrco.


Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka Xoojinta Nabadda ee Burco ayaa lagaga hadlay sidii loo wadaagi lahaa xogtaasi ku saabsan Amniga iyo khilaafaadka Degmada, Kulankaas waxa ugu horeyn ka hadlay Badhasbakuxigenka Togdher Maxmed Diriye Xayd oo u mahadceliyey ururada iska kaashaday kulankaas, waxanu bulshada ka qaybgashay kulanka lagu soo bandhigayey xog ururintaas u soo jeediyey inay ka faaidaystaan.

Jamaal Xiinwaal oo ka mida madaxda ururka Xoojinta Nabada ayaa isna Ururka ururinta Xogaha uga mahadceliyey xog ururintaas ay soo sameeyeen waxanu tilmaamay in ururkaasi xog run ah oo ay dadka oo dhan ku soo waraysanayaan soo ururiyaan sannad walba isla markaasna xog aan la qiyaasin oo rasmi ah ay soo saaraan, waxana halkaas lagu soo bandhigay xog ururinti ay soo ururiyeen saddexdii sanno ee u danbaysay.



Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadan (Korotno)

Afkashaacbka Burco Office

Koronto935@gmail.com