Afartii Fanaan ee Kooxda Xiddigaha Geeska ee hore xabsiga loogu taxaabay ayaa saaka la hor gaynayaa Maxkamadda gobolka Hargaysa,
kadib markii Dorraad xabsiga loo taxaabay iyagoo ka soo laabtay bandhig faneedyo ay ku soo qabteen Xarunta dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho. Sidaa waxa saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha geeska Abwaan Xasan Dhuxul (Laab Saalax) waxaannu shaaciyey in sideedda subaxnimo, ay hortagi doonaanan Maxkamadda.

Xukuumadda Jamhuuroyadda Somaliland ayaa ku eedaysay kooxda Xidigaha Geeska oo fadhigoodu yahay Magaalada Hargaysa inay ku gafeen qawaaniinta u yaala dalka, jabiyeena xeerar hore uga yaalay Siyaasiyiinta iyo Sugaanyahanadu in aanay u safri karin dalkaasi Somalila, maadaama oo ay labada waddan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Somalia ka dhaxayso qadiyad dhinaca Jiritaanka dalka ah, waana maalinta bari la sugayaa waxay kooxda Xidigaha Geesku iskaga difaacaan eedaymaha Xukuumadda.
Fannaaninta Xiddiga Geeska oo Saaka Maxkamadda la horgeynayo
Afartii Fanaan ee Kooxda Xiddigaha Geeska ee hore xabsiga loogu taxaabay ayaa saaka la hor gaynayaa Maxkamadda gobolka Hargaysa,