Weerarkan oo dhacay Isniintii, ayaa ka dhacay xaafadda Wahijah oo ka tirsan Magaalada Mocha, markii la sheegay nin lala xidhiidhinayo Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen in uu u dabaaldegaayo arooskiisa.
Diyaarad, ayaa loo maleynayaa inay duqeysay laba teendho oo xafladda arooska ay ka socotay, xilli ay ka qayb qadanayen boqolaal ruux oo lagu soo casuumay arooskaasi.
Saraakiisha caafimaadka Wahijah, ayaa waxay xaqiijiyen dhimashada inayba ka badan tahay 130 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.
Saraakiisha Dowladda Yemen, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradi duqeysay xafladaasi, dadka ku la’dayna ay u badan yihiin dumar iyo carruur deegaanka ah.
Wadamada isbahaysiga, ayaa iska fogeeyay inay iyagu ka masuul yihiin duqayntaasi, waxayna weerarkaasi dusha kaga tuureen maleeshiyaad hubeysan inay ka dambeysay.
Dagaalka mudada lixda bilood jirsaday ee ka soconaya dalka Yemen, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan shan kun oo ruux, kala bar dadkaasi waxaa la sheegay inay rayid yihiin.
Diyaaradaha dalalka isbahaysiga ee Sacuudigu uu hogaaminayo, ayaa duqeymo joogto ah ka wada dalkaasi, ka dib markii Maleeshiyada Shiicada Yemen (Xuuthiyiinta), ay talladii dalkaasi ka ceyrisay Madaxweynihii Yemen, Abd Rabbuh Mansur Hadi.
Contact@afkashacabka.com
YEMEN: 130 Ruux Oo Ku Dhintay Xaflad Aroos Kadib Markii La Duqeeyay Iyo Calaamka Oo Cambarayay
Weerarkan oo dhacay Isniintii, ayaa ka dhacay xaafadda Wahijah oo ka tirsan Magaalada Mocha, markii la sheegay nin lala xidhiidhinayo Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen in uu u dabaaldegaayo arooskiisa.