
Hargaysa:Cabdicasiis Samaale Ma Murashax Baa Mise Wuu Ka Hadhay Ka Qaybgalka Tartanka Murashaxa Madaxweynaha Kulmiye?
Hadaba Cabdicasiis Samaale oo dhawaan ka soo laabtay magaaladda Nairobi oo uu wargeyska Ogaal ku helay khadka telefoonka wuxuu beeniyay wararkaa sheegayay inuu ka hadhay murashaxnimadii. Inkasta oo aanu isku daynay in aanuu su,aalo ka sii waydiino arrintan, misana may suuragelin inuu na siiyo waqti, mashquul uu sheegay inuu ku jiro dartii. Hase yeeshee wuxuu jawaab ka bixiyay oo keliya su,aashaa u horaysay ee aanu waydiinay oo u dhacaysay waxa ka jira in aanuu murashax ahayn hadda, waxaanuu ku jawaabay oo uu yidhi; "Waa been aan jirin. Waxba kama jiraan, anigu bartaydii baan kaga jiraa tartanka, waxaan ahay murashaxa koowaad ee u tartamaya madaxweynaha xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Kama tanaasulin, kama hadhin, cid aan u tanaasulayna ma jirto, cid aanu arrintaa ka wada hadalayna ma jirto. Waxaanan ahay mashquul ee iga raali ahaada."
Badheedhahan cusub ee Samaale ee meesha ka saaray hadal hayntii hore, wuxuu ka dhignaanayaa falaadh halis ah oo mar kale ku soo laabatay Gudoomiye Muuse Biixi, oo in muddo ahba u ekaa mid ka nastay culayskii iyo miisaanka saamaynta kaambaynka Samaale.
Hargaysa:Cabdicasiis Samaale Ma Murashax Baa Mise Wuu Ka Hadhay Ka Qaybgalka Tartanka Murashaxa Madaxweynaha Kulmiye?
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu wargeyska Ogaal khadka telefoonka ku helay xalay fiidkii ayaa shaaca ka qaaday in aanuu ka laaban tartanka murashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isla markaana uu yahay