Wajaale:Dowladaha Itoobiya Iyo Somaliland Oo Tog-Wajaale Isku weydaarsadey Tahriibayaal Kala Duwan

0
Thursday October 01, 2015 - 22:38:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajaale:Dowladaha Itoobiya Iyo Somaliland Oo Tog-Wajaale Isku weydaarsadey Tahriibayaal Kala Duwan

    Laamaha Socdaalka dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,khamiistii saaka kula kala wareegay tahriibayaal kala duwan,oo qaar laga soo celiyay Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan,iyo kuwa laga soo celiyay Gudaha Somaliland oo u dhashey dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha Socdaalka dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,khamiistii saaka kula kala wareegay tahriibayaal kala duwan,oo qaar laga soo celiyay Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan,iyo kuwa laga soo celiyay Gudaha Somaliland oo u dhashey dalka Itoobiya. Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan oo hadhwanaagnews uga waramey isku wareejinta tahtriibayaasha ee labada dal ee Itoobiya, iyo Somaliland ayaa sheegay,in ay lakala wareegeen sidii caadada iyo wadashaqeynta labada dhinac aheyd Tahriibayaal Somaliland iyo Soomaaliya ah iyo Tahriibayaal u dhashey Itoobiya.

 
"Saaka waxaanu kala soo wareegnay dawlada itoobiya xafiiskeeda socdaalka Tog-wajaale tahriibayaal somalilander ah oo ay tiradoodu tahay 45 qof oo laga soo qabqabtay xuduuda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar labadaba sidoo kale anaguna waxaanu ku wareejinay dawlada itoobiya xafiiskooda socdaalka Tog-wajaale tahriibayaal itoobiyaan ah oo ay tiradoodu dhantahay 23 qof kuwaasi oo aanu ka soo qabanay gudaha Tog-wajaale iyo Magaalada Kalabaydh,inta u dhexeysa iyadoo lagu soo qabtey gaadhigii siday ee doonayey in uu sifo koontarabaan iyo tahriibin ah in uu dalka ku galiyo itoobiyaankaas tahriibayaasha ah dabcan waxaanu gaadhigii iyo tahriibayaashii uu siday horgaynay Maxkamada Gobolka Gabiley, taasi oo amartay masaafurinta tahriibayaasha Itoobiyaanka ah iyo Xadhiga Baabuurkii sidayba"Ayuu yidhi Taliyuhu.
Waxa kale oo uu ka waramey Tahriibayaasha u dhashey Somaliland ee lagu soo wareejiyey.
 
"Tahriibayaashii Somalilanderka ahaa ee nalagu soo wareejiyey dhamaantood waxaanu u gudbinay Saldhiga Booliska Tog-wajaale halkaasi oo lagu hayn doono inta ay waalidiintoodii lagu wareejin lahaa u imanayaan, lamana sii daynayo ilaa inta gacanta laga galinayo Waalidiintooda laakiin Waalidka laftiisa waanu dhaliilaynaa, oo inta ay Saldhigyada kasoo daayaan ayay dib u fasaxaan kaa aqbali mayno,e waxaanu idin fareynaa inaad gacan adag ku haysaan oo ka joojisaan Tahriibta"Ayuu yidhi.
 
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed waxaa uu walaac xoogan ka muujiyey tahriibayaasha itoobiyaanka ah oo mudadii labada bilood ee u danbaysay kor u kacay waxaana uu xusay in ay bishii u danbaysay ee August celiyeen Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ay tiradoodu dhantahay 1217 qof kuwaasi oo laga soo qaqabtay gudaha somaliland iyaga oo doonaya in ay Somaliland usii dhex maraan ugana gudbaan dhinaca putland halkaasi oo ah halka ay beegsanayaan ee ay ka tahriibaan, kana raacaan Doonyaha.
Taliyaha Socdaalka Gabiley ee fadhigiisu yahay,Tog-Wajaale waxaa uu soo dhaweeyey Sharci Cusub oo dhawaan oo dhawaan laga filayo in uu kasoo baxo dhinaca Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland iyo Xafiiska Waaxda Socdaalka Somaliland kaasi oo lagula dagaalamidoono tahriibayaasha iyo mukhalasiinta kala duwan ee ka shaqaysta
 
 
"Dhibaato badan ayaa had iyo jeer naga haysata Tahriibayaasha iyo dadka ka shaqeysta in badana Sharci baanu u raadineynay, laakiin imika waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa ugana mahadnaqayaa in ay masuuliyiinta kala duwan ee Wasarada arimaha gudaha iyo taliska socdaalka somaliland in ay mudooyinkii u danbeeyey ku hawlanaayeen sidii loo helilahaa sharci adag oo lagula dagaalamo tahriibaaasha mukhalasiina iyo shabakadaha ku shaqada leh tahriibayaasha kala duwan sharcigaasi oo waxbadan ka taridoona sidii loo joojinlahaa ama loo cidhibtirilahaa mukhalasiinta kala duwan ee ku luga leh arintan waana sharci qaban doona qofkasta oo lagu soo qabto isaga oo gacanta kula jira arintaas tahriibayaasha"Ayuu bhadalkiisa ku gabagabeeyay.
Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ayaa in badan ka howlgasha ka hortaga Tahriibayaasha inkastoo Maamulka Tog-Wajaale aanu ka caawin dhibaatooyinka kala soo gudboonaada Tahriibayaasha.
 


Contact@afkashacabka.com