Labo qarax oo bambaanooyin ah oo lagu Qarxiyey meelo u dhaw caasimadda Nigeria, waxaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacyo jiraan sida ay sheegayaan saraakiishu.

0
Saturday October 03, 2015 - 16:55:38 in by Hargeysa Office
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo qarax oo bambaanooyin ah oo lagu Qarxiyey meelo u dhaw caasimadda Nigeria, waxaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacyo jiraan sida ay sheegayaan saraakiishu.

    Labo qarax oo bambaanooyin ah ayaa luxay meelo u dhaw caasimadda Nigeria, waxaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacyo jiraan sida ay sheegayaan saraakiishu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo qarax oo bambaanooyin ah ayaa luxay meelo u dhaw caasimadda Nigeria, waxaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacyo jiraan sida ay sheegayaan saraakiishu.

Qaraxa koobaad wuxuu ka dhacay saldhiga booliiska ee Kuje oo shan iyo labaatan mile ama afartan km u jirta magaalada Abuja, midka labaadna wuxuu ka dhacay goob ay basasku istaagaan oo ku taala Nyanya.

Sargaal ayaa sheegay in ay si xun u dhaawacmeen toban ruux, si kastaba ha ahaatee wakaaladda wararka ee AFP waxa ay saraakiil ka soo xigatay tiro dhimasho ah.

Inkasta oo ay Boko Xaraam hadda ka hor weerareen magaalada Abuja, laakiin hadana waxay inta badan hawlgaladooda diiradda ku saaraan deegaanada waqooyi bari ee Nigeria.

Magaalada Maiduguri ee caasimadda u ah gobolka Borno ayaase ahayd goobtii ay malayshiyadu ka bilaabeen ol'olahooda gobol Islaami ah sanadku markuu ahaa 2009-kii