Gudoomiyaha Baarlamaanka Afrika oo la kulmay Danjireyaasha Brazil iyo Serbia (SAWIRRO)

0
Friday October 09, 2015 - 12:36:49 in by Burco Office
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Afrika oo la kulmay Danjireyaasha Brazil iyo Serbia (SAWIRRO)

    Madaxweynaha baarlamaanka Afrika ee loo yaqaan Pan African, Roger Nkodo Dang ayaa intii uu socday shirka baarlamaannada Afrika kula kulmay xafiiskiisa madax kala duwan oo ka kala socday dunida iyo kuwa dalalka Afrika,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha baarlamaanka Afrika ee loo yaqaan Pan African, Roger Nkodo Dang ayaa intii uu socday shirka baarlamaannada Afrika kula kulmay xafiiskiisa madax kala duwan oo ka kala socday dunida iyo kuwa dalalka Afrika,  madaxda uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa safiirrada dalka Koonfur Afrika u fadhiya dallaka Brazil iyo Serbia, kuwaasoo ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin maalgashi ay ku sameystaan Qaaradda Afrika.

 

Danjiraha safaarada Brazil, Eric Sogocio oo kulankii uu la qaatay madaxweynaha Pan Afrika, kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa loogana shaqeyn lahaa xiriirka Afrika iyo dalka Brazil, sidoo kalana loo mataaneyn lahaa baarlamaannada Afrika iyo kan Brazil, wuxuuna tilmaamay in kulankooda uu kusoo idlaaday sidii loogu talo-galay.

Sidoo kale, ku-xigeenka danjiraha dalka Serbia, Sasa Mart MIA iyo Roger Nkodo Dang oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayuu danjiruhu sheegay in shirkii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Pan African uu ahaa kulan taariikhi ah oo ay kaga hadleen arrimo badan oo Afrika iyo Serbia ay ka wada-shaqeyn karaan, ayana ku ballameen in Roger uu booqasho mar ku tago Serbia, isagoo intaas raaciyay in waddankiisu uu ka qayb-qaadan doono maalgashiga Afrika iyo qorshayaasha horumarineed ee xagga dhaqaalaha ee ay Yurub wado inay Afrika ka caawiso.

Madaxweynaha baarlamaanka Pan Afrika, Roger Nkodo Dang oo isagana kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada-hadleen oo u badanaa sidii Afrika ay is-dhexgal iyo wada-shaqeyn ula yeelan lahayd dalal ku yaalla caalamka, gaar ahaan ay Brazil iyo Serbia ay ka mid yihiin; kuwaasoo uu sheegay inuu rajeynayo inay wax badan kala faa'iidi karaan iyaga iyo Afrika.

Nkodo ayaa wuxuu intaa ku daray inuu labada danjire ka gudoomay farriimo ay uga wadeen madaxda dalalkooda, isagana uu ugu dhiibay fariin taas la mid ah oo la xiriira wada-shaqeyn dhexmarta.

Ugu dambeyn, kulamadaan uu madaxweynaha baarlamaanka Afrika, Roger la yeeshay madaxda kala duwan ee caalamka, gaar ahaan labadaan danjire ee ka kala socday Brazil iyo Serbia ayaa kusoo beegamaya xili uu toddobaadkaan uu furmay kal-fadhigii afaraad baarlamaanka Pan Afrika, waxaana lagu wadaa in fadhigan wax badan ka duwanaado kuwii ka horreeyay, iyadoo la rajeynayo in Afrika ay hal cod yeelato ayna hal Qaran noqoto.