Madaxwayne Silaanyo Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Curashada Sanadka Cusub Ee Islaamka.

0
Tuesday October 13, 2015 - 15:36:38 in by Burco Office
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Silaanyo Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Curashada Sanadka Cusub Ee Islaamka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Hambalyo u diray guud ahaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Hambalyo u diray guud ahaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland

munaasibada sanadka cusub ee islaamka waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Madaxtoyada Hargaysa waxaana lagu yidhi .


"Madaxwaynaha Somaliland Md: Axmed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacbiga Somaliland waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri Arbacada taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015 uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taas la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.
Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qarannimada dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.