Qiil ma leh Qab iyo iil, W/Q: cabdiraxmaan cabdillaahi cabdirxmaan (Bulshaawi)

0
Wednesday October 28, 2015 - 17:01:45 in by salman abdi
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiil ma leh Qab iyo iil, W/Q: cabdiraxmaan cabdillaahi cabdirxmaan (Bulshaawi)

    arooryo suuban, saaka jewigu degganaa oo juuq iyo jabaq yaraa!. tolow ma dadkii cagta iyo caddida igu la tegi jiray ayaa iska kay daayey? mise aniga ayaa hore u toosay oo waaba la ii soo socdaa?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

arooryo suuban, saaka jewigu degganaa oo juuq iyo jabaq yaraa!. tolow ma dadkii cagta iyo caddida igu la tegi jiray ayaa iska kay daayey? mise aniga ayaa hore u toosay oo waaba la ii soo socdaa?.


Kollay waa weedha danbe oo dharaaro badan ayey ii yimaadeen xilligan wakhti ka danbeeya, ee aan diyaar garoobo oo aan miciyaha afaysto sidii aan wax badan uga layn-lahaa, oo aan dad badan uga fogayn-lahaa ehelkooda iyo bulshadooda.

Ma jeclayn saaka in aan afkayga kala furo, waayo waad ogtahay oo waxa ka soo qubanaysa sun iyo waabay, taas oo dad badan indho tiri doonta, dhega tiri doonta, qalbigoodana malaasi doonta, halka ay dadka garaad ka iyo caqliga wanaagsan u saaxiibka ah u kordhin doonto garasho iyo toosnaan aan la qiyaasi Karin, una horseedi doonta in ay iga dhaafaan dhibtooda oo ay iska kay daayaan,  jeerkaas oo ay iyaguna ka bogsanayaan xanuunka iyo xanfta aan ku hayo ee in badan oo iyaga ka mid ah aan ku kala fogeeyey.

Ma jecli in la I daaro anna aan wax dulleeyo, ma jecli in la I damqo anna aan wax dilo, waayo waxa aan leeyahay awood wayn oo aan cid walba kaga aarsan karo,  waxa aan dhabbacdaa dhulka oo cid walba oo I soo weerarta waan ka aargutaa, habeenkii waxa aan ugaadhsadaa dadka garashada yar ee aniga hoy-gay ga, iyo guri-gay ga igu soo fara gashada,  cidna ma daan-daansado oo deggenaanshaha Eebbe ayaa iigu deeqay isaga oo si wanaagsan oo aan wax yeelo lagu tilmaami Karin quraankiisa kariimka ah igu sheegay, balse dad badan ayaa I buun-buuniyey oo xadkii aan lahaa iga saaray igana fogeeyey xuduudkaygii aan xaq ahaan deggenaanshaha u lahaa.

 Waxa ay iga beddeleen magacaygii dhabta ahaa  oo waxa la ii bixiyey  magac bulshada dhexdeeda ceeb iyo canbaar igu ah, qofkii I maqlaa waa uu iga fiiga oo haddana iga fogaadaa, waa la iga jeestaa oo haddana la iga jiheystaa, waa la I maagaa oo hadana la iima garaabo kolkaan dad meel yaalla cagta mariyo, ee aan kala fogeeyo Abti iyo Adeer, Habar-yar iyo Eedo Ilmo-adeer iyo Ilmo-Abti, Aabbo iyo Xaaskiisa ( Hooyo ).

 Haddana bulshadu ma dayso hadal  hayntayda oo had iyo goor waa la igu hadaaqaa, ilmaha dhashay ayaa igu hadraya oo tan iyo maalinta  uu gurigooda kusoo biiro (ku soo kordho) hadal kana barto oo uu raad dhaqaajiyoba magacay ga ayaa dibnihiisa ka laad laada.

Ma garanayo waxa aan kasbaday ee bulshadu ka sebaan ka sebaan aniga uun iigu dul meerayso!.  Bal ii sheega maxaan galbsaday oo ruuxii I arkaaba ii tuuryeynayaa?   maxaa la ii tilmaansadaa oo markaan dadka adhaxda ka jabiyo loo calaan-calaa oo hadana la ii canbaareeya?   maxaa la ii casuumaa oo haddana la ii caayaa? ma caqligii dadkaa yaraaday mise anigaa col wadeen ah? ma ficilkayga iyo falkayga ayey dad badani diidan yihiin oo waxaan ahay dulli aan dareen lahayn?  hadii aay tahay jawaabta su’aashani   haa!  oo ay saluug san yihiin ficilladayda fool xumada badan  Maxay dad badani iigu gacan haadiyaan aniga oo godkayga iska jooga,  oo ubadkayga iyo caruurtayda carbisanaya? aniga oo gosha kaga jira odaygayga dareen godlinta badan, maxay dad badani ii gaagixiyaan oo ay iiga jiidhaan farxadda ehelkayga?  Maxay se marka aan miciyaha afaysto oo aan sun ku tallaalo dadku iiga fiigaan oo la ii fogeeyaa? bal adba garo oo garwaaqso. Alla maxay bulshadu fara ba’an igu haysaa!.

Su’aalahaasi waa kuwo aan is waydiiyo,  mar walba na maankayga dhex mushaaxa, laakiin jawaabahooda kaliya waxaa la heli karaa marka la iga fogaado oo dhib iyo dheef ba la iga la dheeraado, waayo waxaan damqaa ciddii I daarta oo I dareen kicisa.

Anigu caado ahaan cidna ma doonto oo waxaan ahay bahal hoose,  ma daaro qof aan I daan daansan, ma qaniino mana qudh gooyo qof aan igu qalad gelin aniga, ma baab’iyo beelo aan aniga I belaysan, ma takooro mana tir tiro dad aan Igu tacaddiyin.

Waxaan leeyahay xuquuq gaar ah, ciddii ka gudubta oo xadkay ga iyo seerahay ga soo gashaa ay la kulmayso ciqaab iyo cidhib tir ba’an oo belaysan.

Immisa beelood ayaan dabar jaray oo aan dulleeyey, immisa quruummo iyo qabiillooyin wanaag ku wada yaallay ayaa I daad daansaday oo aan degelkooda rogey? miyaan tirin karaa intaan dad-yow kala dareershey oo aan mid ba meel ku duugey,  ma soo koobi karo inta wada dhalatay ee aan subax hore boodh iyo siigo ku qarqiyey ka dib na aan unuunka hor dhigay, balse ogow oo waa markii la igu tacaddiyey ee aan aniguna talo ka dhigtay in aan ka aar guto uumiyaha I daaray.

Waxaan subax hore soo abbaaray boqortooyo ku noolayd meel jaar la ah jabadkii ( degelkii ) aan deggenaa, boqortooyadaa waxa lagu magacaabi jiray  reer bakayle, waxa na ay ahaayeen dad gardarro iyo gumaysi badan, oo ubadkay ga iyo aniguba waan ka ammaan la’ayn, waxa dhacday in ay dhowr jeer na soo weerareen annaga oo dhiganayna xaflado farxadeed , ka dibna ay dhabar-ka ka jabiyeen odaygaygii aan ku tiirsanayn ee taakulo iyo garab noo ahaa, ma aannaan helin cid na saacidda oo nala wadaagta xanuunka iyo dhibta aan qabno.

 Si aan uga aar guto, salaad hore  ayaan soo weeraray qasrigii ay ku noolaayeen oo aan ka laayey madaxdoodii iyo boqoradoodii, waan kala caydhiyey oo waxaan galiyey baqdin iyo baydad, oo mid ba meel ayuu u fiigay,  bal ii yeedha haddii aad aragtaan bakayle lammaan oo lugaynaya dhulka dushiisa! ama aad la kulantaan laba bakayle oo wada socda carriga Alle oo is-waydaarsanaya waayaha adduun wax na is waydiinaya! Ha la isoo war geliyo hadii aad la kulantaan bakayle tallaabsanaya oo taxaashaya dhulka guudkiisa, waayo waxaan ku riday cuqdad iyo uur xumo walina waan daba socdaa!.

 Waan ogahay in aydaan helayn ba! .. Maxay se ku dhacday arrintani? Waxa ay iga kasbadeen cadho iyo ciqaab oo waa anigan kala fogeeyey noloshoodii iyo nafohoodii, ubadkooda waa ay dhalaan oo ka dhaqaaqaan, waxaa arrintaas na ku kaliftay markii ay aniga igu soo xad gudbeen oo ay ilaalin waayeen xuquuqdayadii jaarnimo.

Muuqaygu ma dhowa, magacayguse ma dheera ,  waa la I maqlaa laakiin la ima dheehdo,  waa la I dareemaa laakiin la ima taabto, ur ma lihi laakiin waan qadhaadhahay oo dacarta waan ka dhadhan liitaa, hadii la I liqo waxaan dad ka googooyaa xiidmaha iyo ubucda oo calooshu igama ammaan hesho. Dadku waa ay isku kay tilmaamaan oo waxa ay yidhaahdaan  ” immisa quruumood ayey maanta baabi’isay aafadii Abgurida ahayd? immisay se la heshiisay?”  waan dhego la’ahay, indhana ma qabo, waan lugo la’ahay oo dadka ayaa I naafeeyeey,  tuurmo iyo gaadmo ayaan ku waayey xubnahaygii qaaliga ahaa miskiin taydan yari.  Alla dad ku xumaa oo xaasid sanaa ma Ibliis bay la xero galaan!…  Laakiin nasiib wanaag wax waan dhalaa oo waan tarmaa,  si aan dad ka quluubtooda u wasakheeya na waxaan adeegsadaa ubadkayga oo u fara dhuudhuuban fitnaynta  iyo kala fogaynta basharka, dadka wanaaga iyo wax sheega fiican waan ka dheeraadaa waanan ka dheelmadaa,   si aanan noloshooda u saamayn oo aanan u kala firdhin fikiradooda.

Waan xilqaamaa cidii I xurmaysa, waanna xaqsiiyaa cidii i xushmaysa,  ma jecli rafaadka iyo rubad goynta ciddii jecel raaxaday da iyo raynrayntay da, ka ma jeesto wanaajinta iyo waynaynta cidii aan wax ii dhimin, alla gobsaniyaa oo gardarradu iga dheeraa, Ma dhal sakaaraan ahay!.

Waxaan dusha ka huwanahay dhar xariir ah,  madaxa waxa  ii sudhan taaj dahabi ah oo dadku aad u xiiseeyaan, in ay iga la degaanna ay jecelyihiin, laakiin hoosta waxaan ku wataa seef iyo waran, qaanso iyo leeb ayaa ii weheliya, oo aan dadka ku gumaado! Waxa uurka ii fadhida milil iyo hurgumo, oo sun iyo waabay ayaa afkay ga ka buuxda, si deg deg ah ayaanna dad ka ugu weeraraa.

Magacaygu waa Qabyaalad oo qaran ayaan dumiyaa, qabiilkana waan dilaa, dadkana waan kala dayraa, waxaan kala fogeeya dadka wada faca ah ee wada nool, mase daan daansado cid aan ku dhaqmin qabyaalad, quraanka Eebbe waxa uu ku sheegay aayad uu micneheedu yahay ( Waxaan idin ka yeelnay kooxo iyo qabiilooyin si aad isugu garataan ).

Dadku magacii uu ilaahay igu mannaystay iyo u jeedadii saxda ahayd ayey iga xagliyeen oo waxa ay ii jan- jeedhiyeen dhinaca xun, waa ay igu dhaqmeen oo waxa aan ka mid noqday kaftannadooda maalin walba iyaga oo isku tilmaamaya magacyo qabiilooyin, sida reer  Baxarasaaf iyo reer miraan-miri,reer Cambe iyo Saytuun, waxaan se ahay qabyaalad oo dugsi ma lihi waxaan dumiyo mooyee,horaa la iiga maansooday oo murti iyo xigmad ba waa la igu sheega.

Dadkiina ima daynayaan oo waa la I soo fara gashanyaa had iyo goor, ii sheega haddii ay jirto wax guulo ah oo aan dad ka u horseedi karo? Ma cid baa jirta aan garab u ahay marka uu kala qubmo qarankoodu oo ay kala fogaadaan facooda? Ma jiraa qof aan gacan siiyey oo aan u horseeday nimco iyo naruuro? Ma jiraa oo ma la heli karaa cid iga tirsanaysa farxad iyo faaiido?  Maya ma jiro, waa run oo ma jiro ma na jiri doono! .

Waayo anigu waxaan ahay qabyaalad oo bulsho aan kala dilo mooyee la iga ma baran cid aan dhiso oo aan calan saaro, sallaammo na aan u dhigo si ay u gaadhaan guushooda, oo ay u higsadaan hankooda iyo himilladooda, La igu ma ducayn la igu mana deeqin in aan guul gaadhsiiyo dad ku hammiyay qabiil iyo reer hebel, dad samaystay laan dheere iyo laan gab, Subxaanaka yaa casiis!.

Waa dharaartii koowaad ee aan af-kayga kala furo oo aan soo bandhigo cabashadayda iyo tabashadayda aniga oo ah qabyaalad, idin kuma nooli ee idinka ayaa igu nool, haa idinka ayaa igu nool oo waabad I quudataan!…  Tolow miyaanan qadhaadhayn! Mise malab iyo macaan baan idiin noqday idinka?  waxaad dhaafteen tii islaamnimo oo haddana waad ka gudubteen tii diir madow nimo,haddana waxaad sii dhaafteen oo aad dhinac marten tii soomaalinimo, heer aad gaadheen in aad kala fogaataan idinka oo ilmo adeer iyo walaalo ah, taasi na waa annigu natiijadaan dhalay, waayo waa anigii ku idhi waan tarmaa oo tiro bataa!.

Ha la iga raali ahaado haddaan hadalka idinku dheereyey oo aan idin dhego damqay , hana la I cafiyo oo ha la I saamaxo haddaan indhaha idin kaga saydhay suntay da iyo tuurmad ayda aafaysan, balse waxaa iga keenay kar iyo kulayl iyo karaahiyo aad iga kasbateen, waxaan se ahay qabyaalad ee hala iga guuro, oo ubad ka tan iyo bar baaristooda la igu bacraminayo ha la iga daayo, waayo waan idiin damqanayaa, waanna idiin diir naxayaa, waan idiin digayaa waanna idiin digigixayaa.

Allaylehe waan nafisay maanta oo nabar iyo boog i damqan jirtay ayaan dheyey haddaan ahay qabyaalad, ee ha la iga dheeraado ayaan hadal ku soo afmeeri lahaa, waayo dhibtayda ayaa ka badan dheeftayda  sida aad ka wada dheregsan tihiin, kuna darsada midh iga talo iyo tusmo ah iga taakulayn iyo taagero ah "Qiil ma leh Qabiil”.



W/Q: cabdiraxmaan cabdillaahi cabdirxmaan (Bulshaawi)