Sayladii Saxaafada, Sooryadii Suuqa-Madow Iyo Sanadkii Silsiladaha By: C/Risaaq Terra.

0
Saturday April 26, 2014 - 07:44:35 in by salman abdi
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sayladii Saxaafada, Sooryadii Suuqa-Madow Iyo Sanadkii Silsiladaha By: C/Risaaq Terra.

    Cidkastoo Ciwaankan Aragtaaba Waxa Markaba Maskaxdooda Kusoo Dhacaysa Surma-Seegtada In Badan Oo Kamid Ah Saxaafada Somaliland Iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cidkastoo Ciwaankan Aragtaaba Waxa Markaba Maskaxdooda Kusoo Dhacaysa Surma-Seegtada In Badan Oo Kamid Ah Saxaafada Somaliland Iyo

Sebenkan Sarifku Qaalibka Ka Yahay Sidoo Kale Suuritaanka Sumcadiyo Karaamo Wuxuu Saxafi Berri Lahaan Jirey.

Mandaqa Geeska Africa Oo Somaliland Ku Taalo Dalkastaaba Waxa Ka Jirta Dimuqraadiyad Iyo Xuriyada Hadalka Mid Kastaana Heer Ayey Leedahay Iyo Xad Aanay Dhana U Dhaafi Karin.

Xuriyada Hadalku Heer Aan Xad Lahayn Ayey Gaadhay, Cidkastaana Waxay Awood Buuxda U Yeelatay In Hadalka, Eedaynta, Amaanta, Cayda, Iyo Ceeb Cid Gaar Ahi Leedahay Ama Ama Ceeb Laga Sameeyo Cid Aan Ceeb Lahayn Lagu Faafiyo Warbaahinta Oo Maaliyiin Qof Hal Mar Keliya Wada Gaadho Warkaasi.

Somaliland Dunida Lagama Aqoonsana Balse Lagama Daalo Doondoonka Ictiraafka Dhibaato Xoogan Ayaa Jirta, Xuriyatul Qawlkuna Wuxuu Gaadhay In Hadalka Hu’ga La Xayuubsho Malaha Taasi Waa Baallaha Lagu Baadigoobo Aqoonsiga Caalamka.

Habow, Heedadow Iyo Halow Baahsan Ayey Ka Dhaxleen Bulshada Somaliland Hadalka Cidkastaaba U Hadlayso Aasheed.

Sayladii Saxaafada

Waxaa Lagu Tartamayaa Furashada, Hirgelinta Iyo Tirada Hay’adaha Warbaahinta Ilaa Ay Gaadhay Heer Haan Kasta Oo Qaabaa’ilka Somaliland Kamid Ahiba Ay Helaan Warbaahin Beeleed Oo Loo Hagoogay Astaan Madax Banaan.

Haykalkiyo Nidaamkii Ay Lahaan Jireen Hay’adaha Warbaahintu Waa Uu Halaabay Waxaana Loo Bedelay Goobo Loo Adeegsado Hagar-Daamooyinka Iyo Haligaada Hadba Cidii La Doono Ama Dan Gaara Oo Cidi Leedahay Fulin Weyda, Sidoo Kalena Waxaa Bud-Dhig U Ah Manfac Raadis Iyo Macaash-Doon Macangagnimo Huwan.

Somaliland Daraf Ilaa Dacal Dimuqraadiyada Iyo Xuriyada Hadalku Waxay Noqdeen Wax Aan Xad Iyo Xayndaab Midnaba Aan Lahayn, Taaso Sababtay Maalin Kasta In Dadka Qaarna Cimaamado Qurux Badan Loogu Xidho Kuwona Cay, Ceeb Iyo Nacdiir Ciida Lagu Hoos Mariyo, Magdhow Iyo Meel Looga Dacwoodo Midna Ma Jiro, Hadii Xukuumadii Somaliland Hadba Taladeeda Haysaa Ay Isku Daydo In Xadgudubka Iyo Gefka Aan Garowshiiyaha Lahayn Hay’adaha Warbaahinta Lagu Maxkamadeeyo Dhib Aan Maaro Loo Hayn Ayaa Hortaala Dambiiluhuna Waxa Uu Helayaa Cid Kale Oo Ujeedooyin Gaara Wadata Kuwaaso Hiil Aan Mabda’a Lahayn Sidii "Cirsan Ka-Yeedhkii” Meel Kastaba Kala Qayliya.

Waa Ayaan Daro Indho La’aantu Hagayso, Haybta Iyo Qabiilkuna Hiilkooda Yahay.

Xaq Waxa Suxufigu U Lahaa Iyo Wixii Xaq Loogu Lahaaba Midna Meesha Mayaalo, Balse Macaashkaa Wax Maamula

Iyadoo Aynu Og Nahay In Maanta Macnihii Ay Lahayd Mihnada Saxaafadu Uu Meesha Kasii Baxayo, Ayaa Waxaa Haatan Debeda Usoo Baxay Oo Meelina Qarin La’dahay Adeegsiga Iyo Ku Tagri-Falka Awooda Saxaafada.

Mihnada Saxaafadamarka Saxafigu U Leeyahay Khibrad, Waayo-Aragnimo Iyo Aqoon Ku Filan Sidoo Kalena Uu Ka Madax Banaan Yahay Wax Kasta Oo Xaaraan Ku Ah Kana Dhan Ah Shuruucda Saxaafada Waxa Uu Awood Buuxda Uleeyahay In Xog Kasta Oo Uu Helo Aanay Gacantiisa Ka Bixin Ilaa Uu Sugo Xeedhada Salkeeda.

Waxa Loogu Yeedho "INVESTIGATIVE JOURNALISM” Waxa Ku Hawlgala Xog Uu Helayna Ku Xaqiijiya Saxafi Aan Saaxiib Iyo Rafiiq Midna La’ahayn Cunsuriyad, Cid Jeclaysi, Nacayb, Eex, Qabiil Iyo Qabax Ama Shuruur "Laaluush”, Sidoo Kale Waxaa Baadhitaan Iyo Dabagal Wareed Sameeya Saxafi Aan Cid Gaar Ah U Adeegayn Dano Iyo Ujeedooyin Gooni Ahna Aanay Ka Dambayn.

Sooryadii Suuqa-Madow

Xiligan Waxyaabaha Milyaneer Iyo Maalqabeen Lagu Noqdo Waxaa Qayb Ka Ah Waxa Aan Ugu Yeedhay "SOORYADII SUUQA-MADOW” Taaso Ah Isha Dhaqaale Ee Ay Ku Macaashaan In Badan Oo Kamid Ah Hay’adaha Warbaahintu.

Waa Qori Dhawaaciisu Daran Yahay, Waa Eebo Halisteeda Daran Tahay, Waa Hadalkii Abwaankii Jiray Uu Yidhi"Afku Wuxu La Xoog Yahay Magliga Xawda Kaa Jara", Waa Toosh Gudcur Uu La Taagan Yahay Dariiqyada Nin Aan Cidna U Tudhayn Dantiisuna Aanay Ka Dub Jirayn, Waa Nin Baadi Goobka Iyo Baahinta Ceebaha Dadka Debeda U Taagan.

Waa Xeelad Shaydaani Ah Oo Cida Ku Shaqaysataa Aanay Aqoon Waxyeelada Iyo Waxtarkeeda, Dakhli Iyo Dhaqaale Joogto Ah Ayaa Lagu Helaa "Waxaad Ceebta U Taqaan Rag Bay Caadadood Tahay”, Si’aan Meheradahaasi U Xidhmin Iyo Si Loo Helo Dhaqaale Xoogan Waxaa La Adeegsadaa In Cidii Xil Qaran Haysa, Qofkii Maal-Qabeen Ah Iyo Cidii Manafac Lagu Tuhmaayoba Khasab Lagaga Dhigo Inay Dhaqaale Bixiyaan Hadii Ay Diidaana Laga Qori Doono Ama Laga Baahindoono Ceeb, Dacaayad Iyo Borobagaandooyin Waxyeeleya Sumcada, Karaamada, Iyo Shaqada Cid U Gaar Ah, Taaso Sii Xoogaysatay Gaadhayna Heer Daaro Laga Dhisto Sidoo Kalena Ay Adeegsadaan Maalqabeenada Dantoodu U Hirgeliweydo Iyo Siyaasiyiinta Sarifka Haysta.

Sanadkii Silsiladaha.

Sanada 2014 Waxay Noqotay Sanadkii Silsiladaynta Saxaafada Somaliland, Mucaaradka, Ururada Madaxa Banaan Iyo Beesha Caalamkuba Sida Fiinta Ayey Uga Qayliyeen Sanadkan Silsiladaha Saxaafada, Wejiyo Kala Duwana Waa Loo Adeegsaday Sidoo Kalena Aragtiyo Isku Dhinac U Jeedana Waa Laga Bixiyey, Mase Jirto Cid Isweydiinaysa Sababta Keentay Xadhiga Hay’adaha Warbaahinta.

Dhawaan Waxaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iridaha U Laabtay Laba Jariiradood Oo Madax Banaan Kana Soo Bixi Jirey Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargeysa Waa "HUBAAL IYO HAATUF”, Rsiyo Sidoo Kale Televisionka Madaxa Banaan Ee Universal Mid Kastaba Maxkamad Ayaa Ku Socota Welina Go’aan Lagama Gaadhin Kolka Aan Hubaal Oo Ah Jariirad Ugub Oo La Oran Karo Waa Dhawaan Dhalad Inay Dheelidaana Maaha Layaab, Marka Aan Ka Imaado Tvga Universal Oo Aanay Fasilaad Iiga Baahnayn Sababta Galaafatay.

Anfariir Iyo Amakaaga Cid Kastaba Waxaa La Noqotay Sababta Keentay Xadhiga Iyo Xanibaada Jariirada Madaxa Banaan Ee Haatuf Iyo Ficilka Foosha Xun Ee Mulkiilaha Haatuf Ku Aflagaadeeyey, Kuna Weeraray Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Sidoo Kalena Uu Wax Ugu Dhimay Kuna Xadgudbay Cid Dhaqanka Soomaalidu Xaaraantimeeyey Ceebaynta Iyo Caydoodaba Sidoo Kalena Diinta Islaamku Aanay Banaynin.

Si Qoto Dheer, Xeeldheeri Iyo Xog-Ogaalnimo Huwan, Oo Xaqiiqaduna Sal U Tahay Ayaanu Halkan Adiinku Soo Gudbinaynaa Xirfada Haatuf Doorkan Galaafatay, Horena U Sigtay, Sanado Horena U Meel Martay Iyo Xeesha Dheer Ee Ka Dambaysa.

Yusuf Cabdi Gaboobe Waa Mulkiilaha Jariirada Haatuf Aqoon Ahaan Waxa Uu Leeyahay Cilmi Lagu Majeeran Karo Waxaanu Ka Baxay Jaamacada Caanka Ah Ee Loo Yaqaano Jaamacatul ASAR, Kolka Aan Ka Imaado Aqoontiisa Iyo Heerka Ay Gaadhsiisan Tahay Waxaan In Yar Qalinka Ku Dul Hakinayaa Xirfadiisa Saxafinimo Iyo Furashadii Wergayska Haatuf Anigoo La Kaashanaya Dhacdooyin Siweyn Loo Wada Xasuusto, Ficilo Uu Ku Caan Baxay Oo Yuusuf Iyo Haatuftiisuba Ku Nabad Iyo Caano Maaleen.

1-Tan Iyo Inta La Og Yahay Ee Jariirada Haatuf Furnayd Waxaa Cid Kastaaba Marag Ka Tahay Una Gaar Ah Yusuf Ku Ugaadhsiga Hadalka Amaan Iyo Cayba Taaso Sababtay In Fikradaasi Ku Fido Warbaahinta Curdinka Ah Iyo Mihnadlayaasha Ka Ahawlgala.

2-Tan Iyo Inta Jariirada Haatuf Ay Shaqaynaysay Taariikhda Laguma Hayo Yusuf Cabdi Gaboobe Nin Masuul Ah Oo Ay Isku Beel Yihiin Oo Uu Wax Dhaliil Iyo Cay Ah Ka Qoray Sida Dadka Kale, Taaso Muujinaysa Eexda, Qabyaalda Iyo Hiilka Haatufta Yusuf, Waxaana Xasuus Mudan Sidii Yusuf Ugu Hiiliyey Qaar Kamid Ah Ganacsatada Beeshiisa Oo Inta Ay Hawlo Ganacsi Isku Qabteen Ganacsato Kale Loo Adeegsaday Inuu La Dagaal Kale Ganacsatadii Kale, Taaso Yusuf Lagu Abaal Mariyey Gaadhi Qaali Ah Oo Noociisu Yahay "HAMAR” Kadib Guushii Uu Kasoo Hooyey Dagaalkiisi Hiil Xaq Daro .

3- Hanti Ku Timi Baad Iyo Hanjabaad Ayaa Yusuf Jeebabkiisa Buuxisay Ninka Aan Iska Laaluushina Waxa Maalinle Loogu Caaya Jariirada U Saaxiibka Ah Jariimada, Waxay Noqotay Xeelad Joogto Ah Oo Wakhti Badan Nin Macangag Ah U Meel Martay, Mar Ayuu Yusuf Ka Caweeyey Xabsiga, Markalena Waa Sigtay Maantana Way Haleeshay Oo Hadh Iyo Biyo La’a Inuu Taagan Yahay Kama Dhacdo.

Walow Uu Yahay Nin Xidhiidho Faro Badan La Leh Warbaahinta Oo Hore Uga Sii Diyaargaroobay Kolka Tani Timaado, Hase Yeeshe Waxay U Muuqataa Inay Maanta Ka Tuban Tahay Oo Uu Faraha La Galay Nin Ka Dubaalado Dhaadheer Oo Inta Uu Caalamka Ka Yaqaano Yusuf Isaguna Aabayaashood Garanaya Wado Kasta Oo Uu Is Yiraahdo Ka Baxna Kasoo Ooday.

Maxkamad Ayey Arintu Taagan Tahay Hadalka Wasiirka Macdantuna Waxa Uu Muujinayaa Kalsooni, Cartanka Iyo Tawaawaca Yusuf Af-Labadii La Qaylinayaana Waxa Uu Ka Marag Ka Cayaa Meesha Waxa Yaal Maanta Iyo Haatuf.

Saxafi Madax Banaan

C/Risaaq Yusuf Cali "Terra”

Email:Terra-10@Hotmail.ComThis email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. Ama

Warsomaliga@Gmail.Com

Tell:00252-63-4211904