
Maxaa ka jira in Maayar Muraadka Burco heshiis hoose la galay Xildhiban Obama maxaa se iska Bedelay Go'aankii Guddiga Dabagalka Hantida Qaranku ay sheegen Marki ay Burco joogeen?
Maayar Maxamed Muraad oo DHowr jeer ka dhuntay Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ayaa Hadalo Cunsurunimo iyo Qabyaaladi ka buuxdo kula hadlay Xildhibaan Naasir X. Cali Shire oo ka mida ahaa Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada kana mid ah Mudanayaasha laga soo Doortay Gobolka Togdheer, Waxaana Maalintaas uu si Badheedh usoo kala dhoweystay Laba xildhibaan oo Gole ka wada Tirsan oo labaduba Gobolka ka soo Baxay, iyadoo uu midna Hadalo Cunfi iyo Naxli leh Warbaahinta u mariyey halka uu kan kalena ka ammaanay iyagoo se labada xildhibaan isku luqad kula hadlay isku ujeeddo na ka ahaa wixi ay Burco u yimaadeen, waxana Dadku is weydiiyeen markiiba waxa u sida gaarka ugu bartilmaameedsaday Maayarku Xildhibaan Nasir Cali Shire iyadoo labada xildhibaan ba ayku eedeeyeen maayarka inu diiday baadhistii iyo waraysigii maadaama ay ku hawlan yihiin ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka, Haddaba Shalay ayay ahayd markii wada hadalo sida la sheegay muddo khadka telefoonka ku dhex marayey xildhiban obama iyo maayar maxmed murad u soo afjarmay kadib markii uu Maayarku si gaar ah ula heshiiyey Xildhibaan Obama isla markaasna uu ka codsaday inu u iman doono kulana kulmi doono Hargeysa, balse aanu arki Karin xildhiban Naasir cali shire oo aan illa iminka la garanayn waxa uu ku sannifay iyo halka uu kala qaaday Balse Dadka Maayarka Yaqaana Badankoodu ay ku sheegeen Cunsurinimo iyo Nacayb Shakhsi inaanay dhaafsiisnayn, maadaama aanay wax horena ka dhaxayn hadaladii uu ku duray markii uu ka dhuuntay guddiguna ay isku si u yidhaahdeen una wada dureen maayarka xildhiban Obama iyo xildhibaan nasir, waxana la is weydiinaya waxa maayarka Obama u ammaanay oo maalintii hore ee burco iyo shalay ba u lahaa waa xildhibaankaan doortay, xildhibaan naasirna u leyahay ma arki karo, waxa uu Xildhiban Obama sida la sheegay ka yeelay maayarka inu usoo shegi dono una yeedhi doono wakhtiga aanu joogin xildhiban nasir sidu doono ha u maqnaade, wayna dhacday waxanu la soohadlay habeen Hore isagoo Maayarkuna Burco uga soo cararay yeedhmada inaderkii Xildhiban Obama oo wax badan u asturaya, xildhibaan Obama ayaa maalintii hore ee uu Burco joogay ku hanjabay inu Issue (Xaalad)ka dhigi doono arrinta Maayarka Burco iyo Dawladda Hose Burco isla markaasna Golaha Barlamaanka Hor geyn doono warbixin ay ka qoreen, Balse taas bedelkeeda waxa dedaal dheer ka galay inaanay arrintaasi dhicin Maayar maxmed murad oo guntiga u xidhay inaan la kashifin, waxanu akhirki siday doontaba ha u dhacdee hor tagay guddigii oo sida ilo xog ogaal ahi sheegeen uu hore ula heshiiyey isuna sir warrameen guddomiyaha guddigaas Xildhiban Obama oo sida uu sheegay ah Xildhibaankiisi (Maayarka) uu isagu doortay, Haddaba Eedaymihii musuqmaasuq ee y xildhibaanada golaha Degaanka Burco u jeediyeen maayarka burco ma sidaas ayay ku baabi’i doonaan oo heshiiska la sheegay inu dhex maray Obama iyo maxmed murad ayaa halkaas ku hakin doona, mise kulamo kale oo guddigu ugu yeedhi doonaan ba jiri doona oo si cad gunta loogu so xaadhi doono musuqa la sheegay inu hadheeyey dawladda hoose?? Su’aalahaas iyo su’aale kaleba waxaynu jawaabahooda kaga Bogan Doonaa warbixino Taxane ah oo Diirrada Saari Doona, Qaabka Shaqo iyo Maamul ee Dawladda Hoose Gaar ahaan Maayarka Burco oo Maalmihii u Danbeeyey Warbaahintu aad u hadal haysay
Halkan Hoose ka Daawo Maayarka oo ka Dhuumanaya markii ay ku soo socdeen Guddigu ee loo sheegay inay xafiiski badhasabka ka so baxeen isagoo baabuur dawlada hose dhex taagnayd iyagii mooday oo dhowr gabbaday kadibna ka baxay mesha oo waddo cidlo ah tagay
Maxaa ka jira in Maayar Muraadka Burco heshiis hoose la galay Xildhiban Obama maxaa se iska Bedelay Go'aankii Guddiga Dabagalka Hantida Qaranku ay sheegen Marki ay Burco joogeen?
Maayar Muraadka Burco Hadalo Cunsurinimo iyo Qabyaaladi ka buuxdo kula hadlay Xildhiban Nasir Cali Shire, wakhtigi ay Burco ugu yimadeen Gudiga dabagalka Hantida Qaranku. Iyadoo Xildhiban Obama na uu sheegay inay Mooshin ka keeni doonaan ay u gudbina