Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Waddani Oo Kulmiye Ku Eedeeyay Inuu Dalka Dib Ugu Celiyay Shir Beeleed.

0
Saturday April 26, 2014 - 22:31:11 in by salman abdi
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Waddani Oo Kulmiye Ku Eedeeyay Inuu Dalka Dib Ugu Celiyay Shir Beeleed.

    Xog-hayaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Mustafe Maxamuud (Xoqdax) Ayaa Xisbiga Kulmiye ku eedeyey in uu dalka dib ugu celiyey Shirbeeled laga soo Gudbay Wakhti hore,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-hayaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Mustafe Maxamuud (Xoqdax) Ayaa Xisbiga Kulmiye ku eedeyey in uu dalka dib ugu celiyey Shirbeeled laga soo Gudbay Wakhti hore,

 waxaanu dhaliilay Hanaanka Kootada loogu xidhay Hogaanka Sarre ee Xisbigaasi ee aan lagula tartamayan Jagooyinka ay hayaan, waxa kale oo si weyn xukumada ugu eedeyey in aanay illaa hadda waxba ka qaban arday ka badan Kun iyo todobada boqol ee illaa haatan jaamacadoodii ka xadirin tan iyo wakhtigii muranku ka dhashay lacagtii ay ka cabanayeen ardaydu ee ay sheegen in lagu kordhiyey.

Mar wax laga waydiyay Sidda ay u arkaan Muranka wali ka taagan Jaamacada Hargeysa ee u dhaxeya maamulka iyo ardayda waxaanu yidhi. "Runtii Khilaafka u dhexeya Maamulka Jaamacada iyo Ardayada waanu la soconaa oo hore waanu uga hadlanay, xubno xisbiga ka tirsan xogwareysi bay u tageen, laakiin arrintaasi waxaanu u argaan in ay tahay mid lamarin habaabiyey, oo hanaankii lagu xalin lahaa aan la marin, ardaydii soo baxday ee cabanaysayna qaab masuuliyadu ku jirto loolama dhaqmin, Goobaha waxbarashadu waa halbowle waana waxyaabaha nolosha Asaaska u ah, jaamacadaha markay tahay runtii in la ixtiraamo aad bay u mudan tahay.”Ayuu yidhi.

Isaga oo Hadalka sii watan waxa uu yidhi. " Dawladan Siillaanyo oo aad moodo in xukumadihii ina soo maray ay barro dheereysay xagga cabudhinta ra’yiga dadweynahana, oo markiiba la soo booda Qoryo, iyo ciidan RRU oo Anagu u haysanayn ciidan qaran oo dadka oo dhammi u siman yihiin, balse si qaldan loo adeegsado, ayaa markiiba ardaydii ciidankaasi la galiyey oo ay ka Dhigeen ardaydii qaar ay xidhan iyo qaar ay rasaas la dhacan illaa Dhawr iyo kondon arday ayaa muddo labba habeen iyo labba maalmood u xidhana, illaa haatan lama xalin, Marka Xukumada waxaan leeyaha arrintaasi waxa ka qabta.” Ayuu yidhi Mustafe Qodax.

Mar aanu Waydiinay in Xukumadu Bixin kari la’dahay lacag aad u yar oo ah Konton kun oo dollar oo afar billooodkii ah, laakiin wakhtigna la sheegayo in ay dalka keenayso fanaaniin badan oo lacag Kumanaan dollar ku baxayso si ay 18-may dalka uga qaybgalaan Sideed Xisbi ahaan u aragtaan?. Wuxuuna yidhi " Runtii waxa jirta lacago badan oo Xukumadu si khaldan u isticmaalayso, anagu kama soo horjeedno 18-may waa Maalin weyn, waa maalin qaran waa maalin in la xuso muddan, laakiin sidda aad sheegayso waxa jirta kabadbadin, waanu arkaynaa Waftiyo baddan oo aan macno baddan sameyn oo dad baddan oo madax iyo mijo isku jirra lacag badan iyo tigidho badan oo lacag baddani ku baxayso lagu kharash garanayo oo dibadah loogu baxayo, siddii qaab aroos oo kale ayey xukumadani ka dhigaysaa 18 –May, ma diidanin, xisbiga iyo taageerayshiisuba way ka qaybqaadnaya awalna way ka qaybqaadan jireen, laakiin adiga oo og arrimuhu sidda ay u kala horeeyan, in ay wanaagsanan lahayd in ahmiyada la siiyo oo la kala horeysiyo, runtii arrimo badan oo mudnaa in wakhti la siiyo oo lacag la siiyo oo maskax la galiyo aynay u dhaqaaqin.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalka sii watan waxa uu yidhi. " Xukumada Siilaanyo waa Xukumad faan jecel, oo in la amaano jecel, laakiin dhaliisha aad ugu nugul, waxase nasiib darro in aanay xukumada iyo wasaaradu aanay hadal aynba sidii waxa looga qaban lahaa arrinta jaamacada ka taagan oo kun iyo Todoba boqol oo arday oo sanadkii labbad ahi aanay muddo jaamacada ka xaadirin oo arintiina taagan tahay, marka waxaan leeyahay waa wax lala yaabo in ardayda intaasi leeg aanay xukumada wax war war ah ku haynin.”Ayuu yidhi.

Xog-hayaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Mustafe Maxamuud (Xoqdax) oo waxa ka waydiinay sida uu u arko Shirweynaha Kulmiye ee la Iclaamiyey in uu qabsoomayo Bishan 28-keeda Waxa uu yidhi. "Nidaamka u degsan Dimuqraadiyada iyo Xisbiyada Qaranka in ay meel kaga dhaceen oo ay ku gafeen runtii way caddahay, laakiin ka xisbi ahaan in badan waxaanu afka uga yara la’linaynay , in aanu wiixi xanaf leh ka illaalino doorashada inta ka horeysa, oo aan lanagu eedyen waddani ayaa waxa doorashada carqaladeyn karay yidhi, runtii xisbiga kulmiye waxa la wada ogaa in muddo dhawr jeer oo ay sheegen in shirweynaha qabanayan uu hadana dib u dhacay, runtii saddexda xisbi qaran goobo ayey ku wadda jiran, midba mid kale dhiibaatadiisa iyo wanaagiisa kale wuu sameyn ayuu runtii ku yeelanyaa, xisbiga kulmiye dumuqraadiyadii meel u kaga dhacay ayaanu u aragnaa, in uu xisbiga kulmiye ku kacay fawdo iyo shirbeeled iyagu ka caban jireen in ay dalkii ku celiyeen ayaanu u aragnaa, haananka shirweynahooda u qabanayaan ma ah qaab xisbi Dimuqraadi ah, waad ogeydeen oo jaraa’ida lagu qoray kulmiye cidi kuma tartamayso cidbaana loo dayey in la yidhi , arrintaasi waa mid xaaran ah oo siyaasad suuban ka soo horjeeda, qaabka ergooyinka ay u xulayaan ma ah qaabkii goboladu u codeyen ama qaabkii xisbiga looga tirsanan jiray, basle ay qaab beeled tahay oo maalinba beelbaad arkaysa cadhoonaysa oo leh haaddanu reer hebel nahay, maha mid ka yimid beelaha laakiin waa mid ka yimid nidaamka kulmiye.runtii aad baanu uga xunay in inaga oo maryana 2014-ka ay inagu celiyaan meel beri hore aynu ka soo gudubnay.” Ayuu yidhi mustafe qodax

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay jirraan Dad shaqaale Dawladeed oo haddan Xisbiga Kulmiye ku jira waxaanu yidhi. "Xeerka shaqaalaha Dawlada ee Somaliland waxa uu Mabnuucayaa in shaqaalaha Dawladu ay ka mid noqdaan Xubnaha Xisbiyada Mucaaridka iyo Muxaafidkaba, laakiin Xisbiga Kulmiye waxa ku jirraba waxay u badan yihiin Shaqaalaha dawlada oo si toos ah Xubno sar sare iyo mid hooseba ka ah Xisbiga Kulmiye, arrintaasi waxay ceeb ku tahay qaranka somaliland, marka Xisbiga Tallada haya ee kulmiye arrintaasi waxaan leeyahay ka noqda oo shuruucda dalka u taala ku soo noqda.”

Afkashacabka.com
Hargays/Office
Contact@afkashacabka.com