Hadal-heynta Shirweynaha Kulmiye Ee Berri Loo Asteeyay Gafaadhi iyo Kaahin Kee Gulaysan Dona?

0
Sunday April 27, 2014 - 19:36:37 in by salman abdi
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal-heynta Shirweynaha Kulmiye Ee Berri Loo Asteeyay Gafaadhi iyo Kaahin Kee Gulaysan Dona?

    Xarunta xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa guddidiisa qaban-qaabada shirweynuhu ay ku hawllan yihiin xaal-xaalkii u dambeeyay ee la xidhiidha qabashada shirweynaha saddexaad ee xisbigaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa guddidiisa qaban-qaabada shirweynuhu ay ku hawllan yihiin xaal-xaalkii u dambeeyay ee la xidhiidha qabashada shirweynaha saddexaad ee xisbigaasi

, taasi oo loo asteeyay Maalinta berri ah.

Shirkan oo aad uga duwan shirarkii hore ee xisbiga Kulmiye soo qabsaday, isla-markaana aan doorkan hoggaan cusub lagu dooranayn, ayaa haddana xummadda qabasoomidda shirkaasi ay aad uga kulushay shirarkii hore, waxaana xaaladdu gaadhay in masuuliyiinta xukuumadda ee xisbiga ku jira iyo ergooyinka xisbiyahannada ah ee xisbigaasi ay faraha iskula tagaan isla-markaana ku dagaalamaan mabaa’di kala duwan oo la xidhiidha shirkaasi.

Shalay ahayd markii Masuul ka mid ah xisbiga Kulmiye uu dhirbaaxo indhaha ku Madoobeeyay Wasiirka Caafimaadka oo ay isku beel yihiin, halka laba masuul oo la kala yidhaahdo Xildhibaan Dhakool iyo Mr. Qambi oo iyaguna reer Sool ah ay dhaawacyo isku geysteen, ka dib markii dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray.

Shirkan oo hanaanka loo xulay ergooyinka ka qayb-galaya ay ku salaysan yihiin beelo, taasi oo lagu dhaliilay hoggaanka xisbigaasi isla-markaana ay beelo badan iclaamiyeen in aanay ka qayb-galeyn, ka dib markii ay saluugeen tirada ergooyinka laga siiyey, ayaa haddana ilaa hadda waxa muuqda in xaaladdu aanay saalloonayn, iyada oo ergooyinka shirkaasi ka qayb-galaya ay xarunta dhexe ee xisbiga ay koox koox ugu faqayaan, iyaga oo imika uun ku baraarugay in khatar soo fool leedahay marka shirkaasi furmo.

Hadal heynta ugu badan ee dadwaynaha Somaliland iyo ergooyinka shirkaasi ka qayb-galaya ayaa ah Musharaxnimada Xasan Gaafaadhi oo toddobaadkii hore Caddeeyay inuu u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi, booskaasi oo uu hadda ku fadhiyo Mujaahid Maxamed Kaahin oo taageero muuqata ku haysta dhanka xukuumadda, shacabka caasimadda iyo weliba meelo kale, waxaana ilaa hadda jira guux ka dhashay waxa ergooyinka shirkaasi ka yeeli doonaan Xasan Gaafaadhi oo ay u arkaan inuu iska indho-tiray heshiis xal loo arkay, kaasi oo dhigayey inaan Hoggaanka xisbigaasi oo Maxamed Kaahin ka mid yahay aan lagula tartamin hoggaaminta xisbiga shanta sano ee soo socday.

Hasa-ahaatee, Warar aan xogtoodu cuslayn ayaa sheegaya in Xasan Gaafaadhi oo ku xisaabtamaya aragtiyaha laga bixiyey musharaxnimadiisu uu goor dhow ka tanaasulayo hankiisii hore, ka dib markii sida la sheegay beeshiisu ku qancisay inuu hankiisa ku daro garasho iyo fikir saliim ah oo la xidhiidha inuu danta guud ku dhaafo doonistiisa gaarka ah. Inkasta oo qodobbada diidaya in hoggaanka lala tartamo ay yihiin kuwo ka soo horjeeda dimuqraadiyadda, dastuurka dalka, xeerarka dhismaha asxaabta qaranka, kuwaasi oo dhigaya in ujeedooyinka loo abuuray xisbiyadu ay yihiin horumarinta iyo dhiirigalinta tartanka xorta ah ee muwadiniinta.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com