Wasiir ka mida Golaha Wasiirrada Kenya oo Xilkii iska casishay

0
Sunday November 22, 2015 - 09:00:26 in by salman abdi
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka mida Golaha Wasiirrada Kenya oo Xilkii iska casishay

    Wasiirradan ayaa ka warrantay Sababta ay xilkaas isaga casishay wakhtigan iyado ku sababaysay ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirradan ayaa ka warrantay Sababta ay xilkaas isaga casishay wakhtigan iyado ku sababaysay ....

Wasiirka Dowlad Wadaajinta & Qorshaynta Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Anne Waiguru, ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay iska casileyso xilkaasi, sababo ku aadan arrimo caafimaadeed.

Waxay sheegtay in ay raaceyso talo uu siiyay dhakhtarkeeda oo ahayd in ay caafimaadkeeda ka fekerto, isla-markaana ay garowsato inaanay xafiiska shaqada sii jooggi karin.

Waxay kaloo sheegtay in tani ay ka dhalatay, markii cadaadis weyn uu kaga yimid baaritaano lagu sameeyay Wasaaradeeda, isla-markaana ay baaritaanadaasi saamayn ku yeesheen caafimaadkeeda.

Sidoo kale waxay dhaliishay inay jiraan dad doonaaya inay bedelaan amaba ay weji kale u dhigaan dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa, kuwaa oo ku hawlan dagaal iyada ka dhan ah, sida ay tiri.

Anne Waiguru oo gelinkii dambe ee Sabtidii Saxaafadda kula hadashay Magaalada Nairobi, ayaa sheegtay in cadaadiska lagu haayo uu bilowday, markii ay kashiftay Sarkaalkiil ku hawlaneyd inay lacago ka xadaan sanduuq, ay leeyihiin shaqada qaranka ee dhalinyarada.

Baarlamaanka Kenya, ayaa horaantii bishaan haweeneydan ku eedeeyay inay ku kacday ku takri leh maaliyadeed, iyadoo sida la sheegay ay 19 kun oo dollar telefishin ugu soo iibisay Wasaaradeeda, walow ay beenisay.

Xildhibaano ku dhow dhow Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa dhawaan ku baaqay in ay shaqada isaga tagto haweeneydaasi, si aanay sumcad xumo ugu soo jiidin Madaxweyne Kenyatta.