Tixdii Mahdiya Waxa Curiyey Abwaan Cali Dhanaaniye
Tixdan oo an curiyey 28/11/2015 oo ku beegnayd , maalintii 40- baxa inantayda Mahdiya, waxaanan u illaahay uga rajeynayaa cumri dherer, caafimaad, cibaado suubban,
waxaan leeyahay kor oo kaalin gal. Illaahayna waxaan ka codsanayaa inuu igu simo inaan caafimaad isku aragno maalinta ay 40 sanno jirtana.
Ma huraanka neeftiyo
Hawadaa macaanka leh
Sidaan looga maarmayn
Ayaad iigu tahay mudan
Maarshaalkii quruxdee
Sharaf lagu mariimee
laga maydhay xumahee
Rabbi igu macsuumaay
Mahdiyaay xaqiiqdii
Waxaad tahay martabadii
U muhiim sanaydiyo
Miisaankii naftaydee
Ii macneeyey noloshee
Madaxaa korreeyoo
Magacaa ha jiro abide
Adduunyada ka muuqoo
Intaad geeri moogtiyo
Maalinta qiyaamena
Maamuus ku noolow
Muddo dheer naftaydaa
Aabbo muransanaydoo
Anigoo madluunoo
Muhmal nolosha iga galay
Mawlaca intaan tegey
Mawlaha illaahay
U bandhigay mushkiladoo
Maariyo xal helayoo
Macbuud iigu kaa deeq
Inaan ahay makhluuq jiro
Maanta dunida joogana
Rabbi mahadi weeyee
Adigaa macaanneey
Aabbo ii markhaatiya
Anna maanta waxan qiray
Inaan ahay masuulkii
Madashani adduunyaa
Sayidkii mulkiyayee
Maamulkeeda weynuhu
Majaraha u qabo yidhi
Kalgacayl moogooloo
Sida dhibic mahiigaan
Maasheeyey laabtoo
Ubax iyo man bixiyiyo
Midhihii jacaylkaay
Markuu sagalku hooriyo
Sida mayayga roobaad
Makhluuqaadka kawnkiyo
Dadku ugu maqsuudaan
Anna farax murqaamoo
Mirirkii aad dhalatiyo
Markii aad dhawaaqdaa
Mugdig aan ka baxayoo
Muunsooday awgaa
Muxubanna isaaqdaye
Madaxaa korreeyoo
Magacaa ha jiro abide
Adduunyada ka muuqoo
Intaad geeri moogtiyo
Maalinta qiyaamena
Maamuus ku noolow
Murwaadkii naftaydiyo
Misbaaxii iftiinshee
Maankayga deeqaay
Cumrigaa masiibiyo
Mahdiyaay dhib iyo ciil
Ceeb iyo ha mudan caydh
Maayaddaha adduunkiyo
Mawjadaha wakhtiga iyo
Murug waxaan ilaawaa
Markii aan ku eegoon
Rabbi mahadiyaayoo
Maan qaboojiyaad tee
Madaxaa korreeyoo
Magacaa ha jiro abide
Adduunyada ka muuqoo
Intaad geeri moogtiyo
Maalinta qiyaamena
Maamuus ku noolow.
W/C: Abwan Cali Dhanaaniye
Burco Somaliland
Tixdii Mahdiya Waxa Curiyey Abwaan Cali Dhanaaniye
Tixdan oo an curiyey 28/11/2015 oo ku beegnayd , maalintii 40- baxa inantayda Mahdiya, waxaanan u illaahay uga rajeynayaa cumri dherer, caafimaad, cibaado suubban,