MAAMULE KU XIGEENKA MADAARKA CAASIMADA HARGEYSA OO MUNAASIBAD CASHO SHARAF AH KU QAABILAY CIYAARTOYGA KU CIYAARA MAGACA WASAARADA DUULISTA+DAAWO SAWIRADA

0
Saturday May 03, 2014 - 14:18:04 in by salman abdi
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAAMULE KU XIGEENKA MADAARKA CAASIMADA HARGEYSA OO MUNAASIBAD CASHO SHARAF AH KU QAABILAY CIYAARTOYGA KU CIYAARA MAGACA WASAARADA DUULISTA+DAAWO SAWIRADA

    maamule ku xigeenka madaarka caasimada Hargeysa Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa munaasibad casho sharaf ah ku qaabilay ciyaartoyga ku ciyaara magaca wasaarada duulista iyo hawada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maamule ku xigeenka madaarka caasimada Hargeysa Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa munaasibad casho sharaf ah ku qaabilay ciyaartoyga ku ciyaara magaca wasaarada duulista iyo hawada Somaliland.



Munaasibadan casho sharafta ah oo ka qabsoontay Hotel Safari ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah masuuliyiinta madaarada dalka, maamulka guud ee kooxda kubada cagta wasaarada duulista iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha kooxda kubada cagta ee wasaarada duulista Cumar Cabdi Aadan kaas oo maamule ku xigeenka madaarka caasimada uga mahad naqay munaasibadan casho sharafta ah, waxaanu ciyaartoyga kooxda u jeediyey dardaaran waxaanu yidhi "maamule ku xigeenka madaarka Cabdilaahi

Yuusuf Axmed waxaan uga mahad naqayaa munaasibadan casho sharafta ah ee uu ku qaabilay ciyaartoyga ku ciyaaraya magaca wasaarada duulista, ciyaartoyga kooxdu waxay ka madhan yihiin balwadaha kala duwan, waxaanan ciyaartoyga kooxda kula dardaarmayaa inay saxaan khaladkoodii hore maadaama oo ciyaartii koowaad laga badiyey tartanka kooxaha heerka koowaad.” Ayuu yidhi gudoomiyaha kooxda kubada cagta ee wasaarada Duulistu.

 

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay madaxa amaanka madaarada dalka Mustafe Cabdi Xuseen waxaanu sheegay in wasaarada duulista iyo kooxdeeda la garab taagan tahay dhamaanba wixii ay u baahnaayeen isaga oo sheegay inay dhawaan soo gaadhsiin doonaan deeq qalabka ciyaaraha ah oo uga timid shaqaalaha amaanka madaarada waxaanu yidhi " kooxda ku ciyaaraysa magaca wasaarada duulista waxa u dhamaystiran baahiyihii ay u baahnaayeen oo dhan , waxaanan kooxda dhawaan ku soo wareejin doonaa taageeradii ugu horaysay ee ka timaada waaxda amaanka madaarada dalka taas oo ah qalabka ciyaaraha, waxaan kula dardaarmayaa dhamaanba ciyaartoyga kooxda inay isku duubnaadaan.”

Xisaabiyaha guud ee madaarka caasimada Hargeysa Olol Yaasiin Axmed oo isagun ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in wasiirka duulistu uu garab taagan yahay dhalinyarada iyo kooxda wasaaradaba waxaanu yidhi " wasiirka duulistu waa wasiirka kaliya ee la shaqeeya dhalinyarada kaas oo madaarada dalka ka muujiyey isbadal badan, kana hawl galiyey dhalinyaro aad u badan oo ka shaqeeya madaarada dalkeena, waxaan kooxda kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan qabyaalada iyo wax kasta oo kala kaxayn kara isku duubnidooda.”

Gudoomiyaha ururka Afgarad Axmed Shiine oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey kaalinta uu wasiirku duulistu kaga jiro dhiiri gelinta dhalinyarada waxaanu yidhi " maamule ku xigeenka madaarka caasimada aad ayaan uga mahad naqayaa munaasibadan casho sharafta ah ee uu inoo qabtay, wasiirka duulistana waxaan uga mahad naqayaa sida uu u garab taagan yahay dhalinyarada, waxaan idin leeyahay quruxda idinka muuqata iyo quruxda wasiirkiina ka muuqata waxa u sabab ah kacaankii dalka ka dhacay ee Kulmiye, haddii aanu Axmed Siilaanyo madaxweyne noqdeena maydaan hesheen wasiir fiican.” Ayuu yidhi gudoomiyaha ururka Afgarad

Ugu danbayntiina waxa munaasibadan soo xidhay maamule ku xigeenka madaarka caasimada Hargeysa Cabdilaahi Yuusuf Axmed kaas oo sheegay in ujeedada kulankani ahaa inayis xogwaraystaan ciyaartoyga ku ciyaaraysa magaca wasaarada duulista maadaama oo uu hada socdo koobkii kooxaha heerka koowaad waxaanu yidhi " ujeedada uu kulankeenani daaran yahay waxay tahay inaynu is xog waraysano sababtoo ah waxa hada socda tartanka kooxaha heerka koowaad, wasiirka duulista iyo shaqaalaha wasaaradana waxa ka go,an inay taageero la garab istaagaan kooxda ku ciyaaraysa magaca wasaarada duulista,idinkana waxa inoo balan ah ciyaar wanaag, akhlaaq iyo inaad iska dhaaftaan waxyaalaha xun xun sida qabyaalada.”

Maamule ku xigeenka madaarka caasimada oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay wax qabadyada xukuumada waxaanu yidhi " mudadii ay xukuumadani jirtay waxay hir gelisay waxyaalo badan , waxay mushaharkii u kordhisay shaqaalihii dawlada, waxay lacagtii Somaliland gaadhsiisay gobolada bariga dalka, waxay bixisay darajooyinkii ciidamada iyo qodobo kale oo muhiim ah. 



Afkashacabka.com
 Hargaysa/Office 
Contact@afkashacabka.com