Dab ka kacay Booyad Shidaal Badhtamaha Magaalada Hargeysa iyo Khasaaraha ka dhashay Dabkaas

0
Sunday May 04, 2014 - 20:36:37 in by Super Admin
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab ka kacay Booyad Shidaal Badhtamaha Magaalada Hargeysa iyo Khasaaraha ka dhashay Dabkaas

    Booyad la sheegay inay shidaal sidday ayaa goor dhawayd ku qaraxday xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booyad la sheegay inay shidaal sidday ayaa goor dhawayd ku qaraxday xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa,


gaar ahaan agagaarka xaruntii hay’adda UNICEF ee Magaalada Hargeysa.


Dhinac kasta oo Magaalada Hargeysa ah, ayaa dadku waxay ka arkayaan qiiqa ka kacaya booyadda la sheegay inay ku dhacday xaafadda shacabka.


Ilaa hadda lama garanayo sababta ka dambaysa qaraxan booyadda shidaalka ka dhashay, laakiin waxa qaraxan u xaqiijiyey warbaahinta askari ka mid ah ciidamada nabad-sugidda ee Somaliland, waxaanu sheegay in booyaddu qalibantay markii ay wax yar u jirtay xaruntii UNICEF, isla-markaana ay wax yar ka dib qaraxday.


dabkii ka dhashay qaraxa, ayaa la sheegayaa inuu waxyeelo gaadhsiiyey guryo ku dhowaa halka booyaddu ku qalibantay, waxaana inta la ogyahay dhaawacyo ka soo gaadheen laba qof oo midkood yahay kaaliyihii diwaralka booyadda qalibantay.







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com