Real Madrid Oo Ka Warbixisay Xaalada Caafimaad Ee Gareth Bale & Mudada Uu Maqnaan Karo

0
Wednesday January 20, 2016 - 08:59:35 in by Burco Office
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Ka Warbixisay Xaalada Caafimaad Ee Gareth Bale & Mudada Uu Maqnaan Karo

    Burco(AFKA)Xidiga reer Wales kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid 5-1 kaga badisay naadiga Sporting Gijon dhaawac ayuu garoonka kaga baxay. Haatan dhaqaatiirta Real Madrid ayaa xaqiijiyeen Gareth Bale dhaawac dhanka qoobka ah uu xidigan qabo sido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Xidiga reer Wales kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid 5-1 kaga badisay naadiga Sporting Gijon dhaawac ayuu garoonka kaga baxay. Haatan dhaqaatiirta Real Madrid ayaa xaqiijiyeen Gareth Bale dhaawac dhanka qoobka ah uu xidigan qabo sidoo kalena xaaladiisa si gaar ah loola tacaali doono.


 

Bale ayaa awoodi waayay inuu soo xaadiro tababarkii ugu dambeeyay ee Real Madrid sameesay waxaana laga cabsi qabaa inuu dhowr todobaad garoomada ka maqnaado.

Real Madrid xaqiijisay in Bale uu tijaabo caafimaad ku maray University Hospital Sanitas La Moraleja sidoo kalena xidigan seedka qoobka iyo lugta isku xiro ka dhibaatoonayo waxayna ku xirnaan doontaa soo laabashadiisa hadba sida uu dhaawacan cusub kaga soo kabto.

Bale ayaa ka xun in dhaawaciisa uu kusoo beegmay xili uu aad ugu raaxeesanayo waqtigiisa garoonka Bernabue madaama dhowrkii todobaad ee ugu dambeesay kulan walbo goolal dhalinaayay xidigan.

26-jirkan 3-kulan ee ugu dambeesay wuxuu Madrid u dhaliyay 5-gool balse kulamada kooxdiisa dhawaan kusoo fool leh dibada ayuu ka daawan doonaa madaama uusan cayaari karin.