HORDHACA KULAMADA UGU DANBEEYA XILLI CIYAAREEDKA PREMIER LEAGUE. BOOSKA KOOX WALBA KU DHAMEYSAN KARTO

0
Sunday May 11, 2014 - 09:50:36 in by Super Admin
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHACA KULAMADA UGU DANBEEYA XILLI CIYAAREEDKA PREMIER LEAGUE. BOOSKA KOOX WALBA KU DHAMEYSAN KARTO

    Dhamaan waxyaabaha cusub ka hor kulamada ugu danbeeya horyaalka Ingariiska ee xilli ciyaareedka, halkaasoo kaliya ay mucjiso ka beenin karto Man City inay hanato horyaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan waxyaabaha cusub ka hor kulamada ugu danbeeya horyaalka Ingariiska ee xilli ciyaareedka, halkaasoo kaliya ay mucjiso ka beenin karto Man City inay hanato horyaalka.


Dhamaan kulamada ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League waxaa la ciyaari doonaa manta oo axad ah saacada geeska Afrika marka ay tahay 5pm.

Cardiff City v Chelsea

Cardiff durbaba waa ay ka hartay horyaalka. Chelsea ayaa soo dhaqaaqi karta kaalinta 3aad waxaana ay soo geli karaan kaalinta labaad haddii ay badiyaan oo Liverpool laga badiyo.

Iyadoo Cardiff City ay u laabatay horyaalka heerka labaad ka dib markii guuldarro 3-0 ay ka soo gaartay Newcastle isbuucii hore, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbedelo sameyn doona iyadoo kooxda ay dooneyso inay guul ku macsalaameyso Premier League ka hor inta aysan ku laabanin horyaalka heerka labaad.

Frank Lampard ayaa xumad ay heysaa waxaana la filayaa inuu seego kulan u noqon karay midkiisii ugu danbeysay ee Chelsea. Lampard, Ashley Cole iyo kabtan John Terry oo dhamaantood uu qandaraaskooda dhacayo wixii ka danbeeya kulankaan. Samuel Eto’o oo dhawaan ka soo kacay dhaawac jilibka ah ayaa isna shaki uu ku jiraa madaama uu ku dhaawacmay tababarka khamiistii.

Fulham v Crystal Palace

Fulham durbaba waa ay u dhacday heerka labaad. Crystal Palace waxa ay ku dhameysan kartaa kaalinta 11aad ilaa iyo in farqgiga goolasha oo badan ay soo celiso si ay uga sarre marto Stoke oo 10aad ku jirta.

Hull City v Everton

Hull waxa ay ku dhameysan kartaa meesha ugu sareysa 12 ama meesha ugu hooseysa 17. Everton waxa ay ku dhameysan doontaa kaalinta 5aad.

Liverpool v Newcastle United

Liverpool waa ku qasab inay badiso manta, islamarkaana ay rajeyso in Man City laga badiyo si ay u hantaan horyaalka Premier League. Newcastle ayaa waxaa kaalinta 9aad ka soo geli karta kooxda Stoke City.

Liverpool waxaa u diyaar ah ciyaaryahanka khadka dhexe Jordan Henderson kaasoo soo dhameystay ganaaxiisa isagoo manta Anfield kula ciyaaraya Newcastle. Marka laga soot ago ninka dhaawaca waqtiga dheer ku maqnaa Jose Enrique, tababare Brendan Rodgers ayaa heysta koox buuxda oo uu line-upkiisa ka soo xusho. Dhanka kale weeraryahanka Newcastle Papiss Cisse ayaa u baana afar bilood inuu ku soo kabsado ka dib qaliin lagu sameeyay.

Manchester City v West Ham United

Guul ama barbaro ay galaan waxa ay u xaqiijin doontaa Manchester City hanashada horyaalka. West Ham waxa ay ku dhameysan kartaa meesha ugu sareysa kaalinta 12aad halka ugu hooseyn ay ku dhameysan karto kaalinta 16aad.

Labada tababare ee Man City Manuel Pellegrini iyo dhigiisa West Ham Sam Allardyce ayaa heysta koox buuxda oo ay ka soo xushaan line-upkooda iyadoo Man City ay martigelin doonta West Ham kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League.

Norwich City v Arsenal

Norwich waxa ay u baahan tahay inay dhaliso farqiga goolasha oo ka badan 17 gool oo ay ka badiso Arsenal islamarkaana ay guuldarro soo gaarto West Brom si ay u sii joogaan Premier League. Arsenal waxa ay ku dhameysan doontaa kaalinta 4aad.

Kooxda u carbuunan inay u dhacdo horyaalka heerka labaad Norwich City ayaa waxaa ka maqan daafaca amaahda ay ku heystaan ee Joseph Yobo kulankoodooda ugu danbeeya Premier League ee ay la leeyihiin Arsenal kuwaasoo la filayo inay boos siiyaan da’yartooda. Ciyaaryahanka khadka dhexe Arsenal Jack Wilshere ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulanka Norwich isagoo ka soo kabsaday cagta oo ka jabtay isagoo la maqan xulka England. Aaron Ramsey ayaa sidoo kale la filayaa inuu kooxda qeyb ka ahaado.

Southampton v Manchester United

Southampton ayaa keli ku ah kaalinta 8aad waxa ay hal boos ka danbeeyaan Man United oo kaalinta 7aad ku jirta kuwaasoo ku dhameysan doona kaalinta lixaad haddii ay badiyaan islamarkaana Tottenham laga badiyo.

Southampton wax dhaawac cusub ah ma qabto ka hor kulanka ay soo dhaweyneyso manta Man United. Daafaca Phil Jones iyo Waynr Rooney ayaa dhaawac ku seegaya kulanka ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka laakiin 18 jirka weerarka ka ciyaara James Wilson ayaa taam u noqon doona kulankaan inkastoo dhaawac yar uu soo gaalay kulankiisii ugu horeysay ee uu kooxda u ciyaaray ee Hull City.

Sunderland v Swansea City

Sunderland waxa ay ku dhameysan kartaa xilli ciyaareedka iyadoo inta badan halka lagu haro ku jirta muddo dheer inay meesha ugu sareysa ku dhameysan karto kaalinta 12aad haddii ay badiyaan, si la mid ah Swansea. Labada kooxood ayaana meesha ugu hooseysa ay ku dhameysan karaan ay tahay kaalinta 17aad.

Tottenham Hotspur v Aston Villa

Dhibic ay helaan ayaa Tottenham u xaqiijin doonta kaalinta 6aad. Aston Villa waxa ay ku dhameysan kartaa kaalinta 12aad meesha ugu sareysa, halka meesha ugu hooseysa ay ku dhameysan karto kaalinta 17aad.

West Bromwich Albion v Stoke City

Kaliya farqiga goolasha oo badan ayaa West Brom u diri kara horyaalka heerka labaad, kuwaasoo sidoo kale haddii ay badiyaan ku dhameysan kara kaalinta 13aad. Stoke ayaa ku dhameysan doonta kaalinta 9aad haddii ay badiyaan islamarkaana aysan Newcastle badinin.





afkashacabka.com/ Sports

Contact@afkashacabka.com