Cabdiraxmaan Cirro Waa Hasha Geela Cunta Ee Cabaada

0
Friday February 14, 2014 - 22:27:46 in by Super Admin
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cirro Waa Hasha Geela Cunta Ee Cabaada

    Waxa weedhan iga keenay kadib markaan dhagahayga ka bateen golahii wakiiladda ayaa isku buuqsan, nin aanu asxaab nahay ayaa ii soo tabin jiray wararka golahaasi markaasuu ku dari jiray waxoogaa buunbuunin ah anna waxaan idhaahdaa waar waxba xumaan m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa weedhan iga keenay kadib markaan dhagahayga ka bateen golahii wakiiladda ayaa isku buuqsan, nin aanu asxaab nahay ayaa ii soo tabin jiray wararka golahaasi markaasuu ku dari jiray waxoogaa buunbuunin ah anna waxaan idhaahdaa waar waxba xumaan maayaan insha alaahu oo ilaahaybaa sakhiriye haysku wareerin

Markaasuu hadana iila kacaa xagaa iyo reer-reekii aynu kasoo gudubnay

Wuxuu u haystaa saaxiibkay in meesha laysku hayo reer-reer ama waxa laysku hayaa yahay wax weyn ma oga in meesha la doonayo in geedkii dhaameelka badnaa (xukuumada) lulaha la sudho si ay wax uga daataan

Akhriste arintan iskamaan odhan, waxaana u daliil ah berigii dhaweyd ee laysku hayey xeerka takaaliifta gaadiidka saw golaha xasaradi kamay dhalan oo xataa gaadhay in gacmaha laysula tago! haye maxaa xigay.

Waxa xigay in golahu codeyn geliyo xeerkii waxaan kasoo baxay natiijo qosol iyo amkaag iskugu jirtay .

Nimankii u dagaalamayey inaan xeerka la ansaxin xildhiban buubaa iyo dhawr xildhibaan oo kale moyaane in intii kale u codeeyeen hal daba la’a

Maalmo dhan ayaan ku qoslaayey oo kolba soo xasuustaa qaar aad u diidanaa oo haddana u codeeyey. oo maxaa is bedelay talow?

Caqliga iyo caloosha iyamay ka qanceen?

Su’aashaas waxaan u daynayaa dadweynaha.

Hadaba anigu marka ay maanta ay qayladu isu baxday ee la yidhi golaha barlmaankaa laysku haystaa wax weynba umaan arkayn waayo waa nimanka noocaas ah inkastoo ay ku jiraan niman mudakar ah sida xildhiban CALI MAREEXAAN iyo xildhiban NACNAC .

Hadiise ay iga fursan waydo inaan wax ka idhaahdo khilaafka golaha wakiilada waxay ila tahay inuu gudoomiyahii ku haftay siyaasadii xisbiyda iyo maamulkii golaha wakiilada Somaliland oo markii hore wuxuu ahaa qunyar socod iyo DIPLOMASI degenaan wax u wada

Waxa dhacday inay koox xildhibaano malfsiga bartay ay qoorta u geliyaan moshin lagu kala dhantaalayo oo lagu baabiinayo shirgudoonkii dastuurka ku qornaa ee la wada ogaa inuu ahaa sadex, mid gudoomiye ah iyo laba ku xigeen

Markii taasi ay malmaluuqeen ee ay is yidhaahdeen way idiin suurto gashsy ayaa laga daba yimi oo dastuurkii boodhka laga tumay oo ragii markii hore la dagay ambabareen dabeeto waxay soo dhigeen moshin kale oo halis ku ah gudoomiye ciro kolkaasuu miciinsaday golahii waan xidhay iyo golaha gacmaa ku jira cajiiiiiiiiiib! Waar ma hashii intay geele fajaasada kaga horeyso hadana cabaadaa.

Gudoomiye waxaanu kugula talin lahaa iska daa labadaasi isma qabtaan’e oo sidaadii kusoo noqon oo midee golahaaga oo labada ku-xigeen gaar ahaan baashe wuxuu ka joogaa beel markii horeba laga badsaday oo la boobay’e isaga haba taataaban kursigiisa hadaanada uga kacayn kursigaaga ilayn waa kii ay ahayd in lagu xishmeeyo beeshaa tabshooyinka badani kasoo yeedhayso ee dhulbahante

Ugu damayn dadweynaha S/L waxaan leeyahay ha werwerina waxba dhici mayaan insha alaah oo waxa wadankan ilaalinaya ILAAHAY waxaana u dhaartay madaxweyne daacad ah iyo rag guurti ah iyo culimo iyo salaadiin maareeya mushkilad kasta oo murugta waana la arki doona sida sahlan ee ay ku dhamaato hadii ilaahay yidhaahdo waxaanan leeyahay dadweynaha Somaliland idinku shaqooyinkiina iyo hawlahiina iska wata oo dheg jalaq haw siinina nimankan dhaameelka kala ridanaya. Idinka qabiil iyo qolo ma tihidine waxa idin mideeya dan guud oo ah in aydin heshaan adeeg dadweyne oo hufan

WABILAAHI TAWFIIQ

W/QORAY :KHALID MAXAMED AYJEEX

E-MAIL:ayjeex@yahoo.com