Qunsulka Safaarada Somalida ee Nairobi Danjire Americo oo maanta ku laabtay Nairobi

0
Tuesday May 13, 2014 - 10:06:28 in by Super Admin
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qunsulka Safaarada Somalida ee Nairobi Danjire Americo oo maanta ku laabtay Nairobi

    iyo Dawlada Kenya Oo Laba Todobaadka Kadib Raali Galin Ka Bixisay Qunsulkii Somaliya U Fadhiyay Ee Inta La Figeeyay Laga Tarxiilay Wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Dawlada Kenya Oo Laba Todobaadka Kadib Raali Galin Ka Bixisay Qunsulkii Somaliya U Fadhiyay Ee Inta La Figeeyay Laga Tarxiilay Wadanka Kenya.


Dowladda Kenya, ayaa laba toddobaad kadib raaligelin waxay ka bixisay xarigii Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ugu geysteen, Qunsulkii Safaarada Somalida ee Magaalada Nairobi.

Siyaad Maxamuud Shire iyo diblomaasiyiin kale oo Soomaali ah, ayaa 25-kii bishii April laga qabtay Magaalada Nairobi, iyagoo dhex socda, waxayna Booliska Kenya tuseen aqoonsiyadooda in ay diblomaasiyiin yihiin, laakiin waxba lagama dhageysan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa ku waramaaya Dowladda Kenya in ay Soomaaliya ka raaligelisay xariga Qunsulka Safaarada.

Danjiraha waxa uu xusay Kenya in ay warqad soo gaarsiisay Dowladda Soomaaliya, taasoo ay ku muujineyso sida ay kaga xun tahay xariga ka dhanka ah Siyaad Maxamuud Shire.



Sidoo kale waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in ay soo dhoweysay raaligelinta Dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta, isla-markaana ay keentay in uu maanta dib kaga hawlgalo Xafiiskiisa Shaqada.

Amb. Americo oo la hadlay Idaacada Bar Kulan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu meesha ka saaray in uu mugdi ku yimaado xiriirka labada dalka, haddiiba ay Kenya raaligelin ka bixisay xarigii Qunsulka.


Dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta waxay si xun ula dhaqantay bulshada Somaliyeed ee ku badan Xaafada Islii, iyadoo ay Dowladdiisu dhegaha ka fureystay cambaarayn xoog leh oo kaga timid Hay’adaha xuquuqul insaanka.







Afkashacabka.com

Nairobi /Office

Contact@afkashacabka.com