
Roobabka Gu'ga ee ka Da'ay Burco Oo Badhtamaha Suuqa iyo Laamiyada Burco Ka Sameeyay Biyo Fadhiisimo Dadweynuhu U Bixiyeen "Balli Muraad"
Daadadkaasi waxay xidhneen meherado badan, waxay gooyeen waddooyin laamiyo ah, sidoo kalena waxaan la geli karin Garoonkii kubadda cagta iyo meelo kale oo Public ahaa
Roobabka Gu’ga oo maalmihii u dambeeyay ka da’ayey Magaalada Burco, ayaa waxay waxyeello ballaadhan gaadhsiiyeen waddooyinka laamiyada ah ee laga hirgaliyey badhtamaha iyo xaafadaha Magaaladaasi isla markaasna meherado iyo goobo ay ka midyihiin Garoomadii kubaddu u xidhmeen daadadkaasi dartood.

Daadadkii ka dhashay roobabkii u dambeeyay ayaa waxay waxyeello gaadhsiiyeen waddooyinka laamayda ah ee ku dhow Baar Siigo iyo Shaah Shiil ee badhtamaha Magaalada Burco, waxayna goo’gooyeen jidkii laamiyada ahaa, isaga oo daadku dibaddu u saaray dhagaxii laamiyadaasi ka samaysnayd, isaga oo la tagay daamurkii laamiyada saarnaa.
Sidoo kale, roobka ayaa meelaha uu jidka ka goo’gooyey waxa uu ka sameeyay biyo fadhiisinno badan, waxaana meelaha qaarkood, sida agagaarka Shaah Shiil uu ka sameeyay biyo fadhiisin weyn, biyahaasi oo imika urtoodii isku bedashay sida urta bulaacadaha oo kale, taasi oo dhibaato ku haysa dadwaynaha ku dhaqan Magaaladaasi isla-markaana caafimaad daro keeni kara.
Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Burco, oo qaarkood la hadleen saxaafadda ayaa sheegay in dawladda hoose jidadka ay ka hirgalisay Magaaladu aanay ahayn kuwo tayadooda fiican tahay, maadaama oo roobkii ugu horeeyay burburiyey badhkood "Waa Maalintii koowaad oo waddo laamay ah oo la sameeyay cagaf dib loo geliyo, waxqabadkii iyo dardartii dibbay uga dhaceen dawladda hoose, waddooyinkii ay dhiseenna khasaare ayaa laga joogaa, laamaydu ha noqoto mid aan dib loogu noqon” sidaa waxa yidhi, qof ka mid ah dadweynaha reer Burco.
qof kale oo ka mid ah dadweynaha reer Burco ee saxaafaddu waydiisay sida uu u arko biyaha dhex fadhiistay Magaalada Burco iyo tayada waddooyinka roobkii Gu’ga ee ugu horeeyay khasaaraha gaadhsiiyey ayaa yidhi "Waddooyinkii la sameeyay biyo badan ayaa dhex fadhiistay oo urbay samaynayaan oo dadku waxay dhaafayaan iyaga oo sanka is haya…daadkii waddooyinka burburiyey bakhaaradii uu galay raashinkii yaalay waala qubay..”
Muwaadinkani oo sii hadlaya ayaa waxa kale oo uu sheegay "Annaguna waxaanu nahay dadkii lahaa guryaha ay hor mareen waddooyinka laamayda ah ee la yidhi waalla dhisay, marka roobku da’ayo guryihii daadkaa gelaya oo carruurihii korbaanu u haynaa, Magaaladiina waydinkaa arkaya oo Balley Muraad-baa ka dhex samaysmay”ayuu yidhi.
Dadwaynaha Magaalada, ayaa Maamulka dawladda hoose ka codsaday inay wax ka qabtaan burburka waddooyinka, si aanay roobabka dambe isku sii kabo raacin inta hadhay, isla-markaana biyaha Magaalada dhex fadhiya ka farsameeyaan, si aanay uga dhalan cudurro caafimaad daro u keena shacabka, maadaama oo goobaha ay fadhiyaan biyahaasi ay yihiin goobaha ay ku dhow yihiin huteellada iyo maqaaxiyaha laga shaaho.
Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com





0 

Roobabka Gu'ga ee ka Da'ay Burco Oo Badhtamaha Suuqa iyo Laamiyada Burco Ka Sameeyay Biyo Fadhiisimo Dadweynuhu U Bixiyeen "Balli Muraad"
Daadadkaasi waxay xidhneen meherado badan, waxay gooyeen waddooyin laamiyo ah, sidoo kalena waxaan la geli karin Garoonkii kubadda cagta iyo meelo kale oo Public ahaa