Jaamacadda Carabta Oo Ururka Xisbullah Ku Daray Diiwaanka kooxaha Argagaxisada Ah.

0
Sunday March 13, 2016 - 09:44:01 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Carabta Oo Ururka Xisbullah Ku Daray Diiwaanka kooxaha Argagaxisada Ah.

    Kulankii ka dhacay magaalada Qaahira ee Wasiirada Arrimaha Dibada ee Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray war sheegaya in Jaamacada ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii ka dhacay magaalada Qaahira ee Wasiirada Arrimaha Dibada ee Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray war sheegaya in Jaamacada ay

ururka Xisbullah oo saldhigiisu yahay dalka Lubnaan loo aqoonsaday inuu yahay koox argagaxiso ah.

Jaamacada-Carabta-740x417

Go’aanka kasoo baxay Jaamacada Carabta ayaa daba socda go’aankii dhawaan kasoo baxay dalalka Khaliijka oo kooxdaasi Shiicada ku tilmaamay urur argagaxiso ah.

Wadamada Jaamacada Carabta ayaa intooda badan u codeeyey go’aankan marka laga reebo wadamada Lubnaan iyo Ciraaq oo iyagu diiday go’aankan.

Dowlada Sacuudiga oo awood badan ku dhexleh ururka Jaamacada Carabta ayaa olole ugu jirta sidii go’adoon loo gelin lahaa xisbullah oo kamid ah kooxaha ka dagaalamaya wadanka Siiriya ee gacanta militari siinaya xukuumada Bashar Al Assad.

Go’aanka shalay kasoo baxay Qaahira ayaa sidoo kale daba socda maalmo kadib markii dowlada IRAN oo ah mida iyadu dusha ka hagta xisbullah ay tijaabisay gantaalo ridada dheer oo la sheegay inuu digniin u ahaa Isra’iil iyo dalalka kale ee Carabta ee cadaawada u haya IRAN